Axsaabta Qaranka Baaq Nabadeed u Diray Beelaha Walaalaha ah ee Ku Dagaallamay Deegaanka Ceel-afweyn

Hargeysa (SLpost)-Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, ayaa kulan wada-jir ah oo ay magaalada Hargeysa ku qabteen maanta, waxa ay baaqyo nabadeed u direen laba beelood oo dirir ku dhexmartay deegaanka Ceelafweyn ee gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha iyo Murashaxa madaxweynaha ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Murashaxa Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabilaahi iyo kuxigeenka xoghayaha Guud ee UCID oo kulan ay maanta ku qabteen Hargeysa si wada-jir ah saxaafadda ula hadlay, waxa ay beelaha walaalaha ah ugu baaqeen inay joojiyaan colaadda isla markaana ka shaqeeyaan walaalaynta shacabka isku deegaanka ah, isla markaana looga hortagi lahaa wax kasta oo waxyeello gaadhsiinaya midnimada iyo wada-jirka bulshada.

20246360_449033175460407_5616189031359833441_n (1)Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, waxana uu  ku adkeeyey inay maslaxadda iyo wanaagga ka shaqeeyaan, kana dheeraadaan fidnada iyo colaadda.

Guddoomiye Muuse Biixi oo ka hadlayey kulan ay masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI si wadajir ah ugula hadleen warbaahinta magaalada Hargeysa maanta, waxay ugu baaqeen beelaha deegaanka Ceel-afwayn inay joojiyaan colaadda oo ay qaataan nabadda, isla markaana wadahadal iyo deganaansho lagu xalliyo wixii khilaaf jira.

Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu  bulshada walaalaha ah ee degmada Ceel-afweyn ku dhiirrigeliyey inay midnimadooda iyo wada-jirkooda ka shaqeeyaan, kana dheeraadaan  wax kasta oo sii hurin kara xurgufta dhexdooda taalla, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Baaq nabadeed ayaan u dirayaa beelaha walaalaha ee degmada Ceel-afweyn ku dagaallamaya, dadkaasina waa dad dhaleeya ah oo waxay yihiin aan maanta la isu sheegaynin, dad kala maarmaya oo meel kala tegayana maaha, Ilaahay baana meesha ku abuuray, muddo sanad iyo dheeraad ahna colaad dheer bay ku jireen, waxaana ku dhacay khasaare weyn oo dhimasho, barokac, colaad iyo caydh ba leh, qarankana naxdin weyn bay ku tahay inuu maanta haddana dagaal kale ka bilaabmo halkaas.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in qaran ahaan iyo qof ahaanba shacabka looga baahan yahay looga baahan yahay inay xil iska saaraan daminta colaadda deegaanka Ceel-afweyn, isaga oo ka digay cawaaqib-xumada ka dhalan karta, “Xukuumaddu way dedaashay, waanuna kusii boorrinaynaa inay kasii hawlgasho joojinta colaadda iyo nabadaynta, qaranka oo dhanna haddii ay tahay madax-dhaqameed, baayac-mushtar, culimo iyo dhallinyaroba maanta nin kasta oo saddexda xisbi taageeraya amaba taladooda raacaya waxaannu ka codsanaynaa inuu u jeedsado nabadaynta dalka oo dhan, gaar ahaan tan maanta wax ka qabashadeeda, waayo colaaddaasi waxay leedahay weji aad khatar u ah, waxaanay u baahantahay in loo gurmado,” ayuu yidhi.

Md. Muuse Biixi waxa uu ku dheeraaday sida bulshada deegaannadaasi u yihiin kuwo wada dhashay, walaalo ah oo dhiig iyo dhaqashoba wadaaga, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Seeddi, isu soddog, walaalo, ilma-abti iyo Ilma-adeer xoolaha wada leh, beeraha wada leh, daaqa wada leh oo magaalada wada lihi meel ay kala qabanayaan ma jirto, in inagu filanna waa la daadiyey.”

https://www.youtube.com/watch?v=CZFGPtw-9M0&feature=youtu.be