Axsaabta Mucaaradka Oo Ka Hadlay Baaqashada Kulankii Turxaan-bixinta Ahaa Ee Saddexda Xisbi Iyo Xukuumadda

Hargeysa, (SLpost)- Hogaamiyeyaasha axsaabta mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),  oo warbaahinta kula hadlay xarunta xisbiga UCID ayaa xukuumadda ugu baaqay inay ka feejignaato inuu burbur ku yimaado wada-hadalkii u socday.

Mucaaradka

Shirkan jaraa’id ee labada xisbi ayaa ka dambeeyay ka dib markii uu baaqday kulan maanta oo Isniin ah ay yeelan lahaayeen saddexda xisbi iyo xukuumaddu, kaasoo ka mid ahaa wada-hadalladii iyo gogoshii ay hore xukuumaddu u fidisay ee lagaga wada-hadlayay xal u helida khilaafka ka dhashay muddo kordhintii ay guurtidu samaysay.

Masuuliyiinta axsaabta mucaaradka ah ayaa sheegay inay xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ka sugayaan xalka khilaafkaas.

Ugu horeyn guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka hadlay shirkaas ayaa yidhi. “Wada-hadalku waxa uu bilaabmay 20-kii bishan May wax natiijo ah oo ka dhashay kulankaasi muu jirin, laakiin anaga oo eegayna danta Somaliland iyo in heshiis dhaco waxaanu siinay fursad xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE , waxaanu isla qaadanay in xal siyaasi ah la gaadho, waxaanu isku soo noqonay sabtidii, wax xal ahi kamuu iman dhinaca xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, waxaanay u ekayduun maalintii gogosha la dhigayay inay gogosha laabeen. Sababtoo ah gogol-na waanu dhignay bay yidhaahdeen, go’aanka khilaafka dhaliyayna waxay yidhaahdeen waa lama taabtaan, hase yeeshee madaxweyne ku-xigeenka oo dhexdhexaadinayay saddexda xisbi qaran ooh awl-na ku jira, wuxuu naga codsaday ka axsaab mucaarad ahaan in maalin dheeraad ah la siiyo oo kulankii maanta dib loo dhigo barina la isku yimaado. Anagoo u ducaynayna inuu natiijo keeno, laakiin aan wax badan ka filayn.”

Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaanay aqoonsanaan doonin xukuumadda iyo muddo kordhinta ay guurtidu samaysayba haddii aan xal la helin inta ka horeysa 26-ka bisha June. “Waxaanu u sheegaynaa anagu 26-ka June , hadday gaadho, inaga oo aan wax isla gaadhin dawladdaas ma ictiraafsanin, guurtidu waxaa ay kordhisayna ma ictiraafayno, waxa iman doonta sidii aanu aniga Axmed-ba ku tashanay barigii intaan shir isugu nidaamno inaanu dawlad qaran ku dhawaaqno oo doorasho inoo qabata. Haddaba waxaanu leenayay kubaddu xagooday taallaa, waxaanu rajaynaynaa inay xal la yimaadaan.” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

somalilandpost.net