Axkaamta Ramadaanta – Qaybta 7aad

shekhMa jiraan shuruudo kale oo haddii la sameeyo soonku jabayo?

  • Haddii qofku isaga oo aqoon u leh arrimaha aynnu kor ku soo xusnay midkood sameeyo wuu ka jabaya soonku.
  • Haddii uu isaga oo xasuusan inuu shaygani soonka jabinayo uu la yimaaddo isna ka sare uun buu la nooc yahay oo wuu jabayaa soonku.
  • Haddii qofku xorriyaddiisa kula yimaaddo wax soonka jabinaya oo uu aqoon u leeyahay oo aan lagu khasbin wuu ka jabayaa isna soonku.

Ilaalinta carrabka iyo wakhtiga

Carrabku waa xubin mihim ah oo Alle ugu deeqay bani’adamka, waana mid ka mid ah waxaynnu kaga duwannahay noolaha kale, xubinkani waxa uu ka masuul yahay dhawaq kasta oo kaa soo baxa hadduu sanyahay iyo hadduu xunyahay ba, sidaa darteed ayuu Rasuulku CSW u yidhi, “Yaa laba ii ballan qaadaya ilaalintooda ana u ballan qaadaa janno”, waxa ka mid ah carrabka. Carrabku isaga ayaa innoogu filan janno iyo naar kaynu gali lahayn, markaa waxa mihim ah in aynu ilaashano carrabka oo wax Alle SWT oggalyahay innaga soo baxo.

Wakhtigu isna waxa uu ka mid yahay nimcooyinka Alle SWT innoogu deeqay, waana wax aynaan ku baraarugsanayn, Rasuulku CSW waxa uu lahaa qofna labadiisa gomadood Illaahay SWT hortiisa kama dhaqaaqayaan illaa afar wayddiimood la wayddiiyo, laba kamid ahi waa wakhtiga.

Halkaa waxaynu ka arkaynaa mihimka ay leeyihiin ilaalintoodu, marwalba in la ilaaliyo waa wax innagu waajib ah, xilliyada khayrka badan sida Ramadaan oo kale in la sii xoojiyana waa sunne khayr badan laga helayo.

Sidaa aynu ugu baraarugsanaanno ilaalintiisu waa midda ka kaliya ee aynu kaga badbaadayno Alle SWT hoojintiisa. Mucaad Ibnu Jamal Rc ayaa Rasuulku CSW ku yidhi, “Miyaa lanoo qabanayaa waxaannu ku hadalno,” dabadeed Rasuulku CSW intuu carrabkiisi qabtay ayuu ku yidhi, “Hooyadaa kaa goblantay Mucaadow, dadka wajiyadooda madaxa ma wax aan ahayn waxa carrabkoogu ku hadlaa loogu tuura.”

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub