“Awowgaybaa Sameeyey Xuduudka Somaliland…Kuwiina Cuqdadda Qaba…” – Xildbibaan Saleebaan Cali Koore

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay Xaaladda Ammaan ee degmada Taleex ee gobolka Sool oo shalay ciidamada Somaliland gacan-ku-haynteeda la wareegeen, ka dib markii ay isaga Baxeen Kooxda la baxday Khaatumo oo maalmihii u dambeeyey shir uga socday magaaldaas.

Xildhibaanku waxa uu arrintan kaga hadlay shir-jaraa’id oo ay maanta si wada-jir ah magaalada Hargeysa ay ugu qabteen Wasiirrada Gaashaan-dhigga, Wasiirul-dawlaha Nabadeynta gobollada Bari iyo Xildhinaan Cabdiqaadir Indho-Indho oo ka tirsan Golaha Guurtida, kuwaas oo dhammaantood ka tirsan masuuliyiinta dawladda ugu jira Gobollada Sool iyo Sanaag.IMG_0008HALKAN KA DHEGAYSO