“Awoowgaagii Shanaad Baannu U Xiiri Jirnay, Inan Addiis Ka Yimi Inaad Naga Door-biddaana Waa Kuu Doqonniimo..” Guddoomiyaha Ururka Timo-jarayaasha Somaliland

“Waar Awoowgaagii 5-aad Ayaanu U Soo Xiiri-jirnay, Haddii Inan Rar oo Addis-Ababa Ka Yimi Ka Doorbido Muwaadinka Waa Kugu Doqonimo” Guddoomiyaha Ururka Timo-jarayaasha oo Baaq u Diray Madaxweynaha

GUDOOMIYAHA RAYSALEYAASHA

 

 

Hargeysa  (SL.Post) Guddoomiyaha Ururka Timo-jarayaasha Somaliland Deeq Daahir Faarax, ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo u soo jeediyay inuu talaabo ka qaado dad Ajnabi ah oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin shaqadooda.

 

 

Guddoomiyaha Ururka Timo-jarayaasha waxa kale oo bulshada Somaliland ugu baaqay in dhaqaalaha ay Timaha ku xiirtaan ee ay siiyaan dadka Itoobiyanka ay ee Hargeysa ku haysta Raysale-yaasha ay xaq uga leeyihiin kuwa Muwaadiniinta ah ee Somalilan degan.

 

 

“Marka Ajaanib soo dhex-galo shaqadii ay muwaadiniintu lahayd, dhibaato weyn ayaa ka taagan, kun iyo laba boqol oo Inan (1,200) ayaa caasimada Hargeysa ka hawl-gala Madaxweyne oo Raysale-yaal ah, kuwaas oo caafimaadkooda , waxbarashooda iyo noloshooda ku dabara, haddii maanta intiiba lagu qabso Madaxweyne maxaad u malayn doontaa. Ganacsigani (Raysale-yaasha) wuxuu ka mid yahay ganacsiga lafdhabarta u ah Somaliland oo ilaa ka ku xiira Madaxweyne wuxuu ka mid yahay Iskaashatada midnimo.” ayuu yidhi Guddoomiyaha ururka Raysaleyaasha

 

 

Guddoomiyaha Ururka Raysale-yaasha waxa uu Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay inay Xukuumadd ahaan talaabo ka qaadaan dad Ajaanib ah oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin shaqadooda, waxaanu yidhi  “Madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa inaad talaabo ka qaado dadkaas, wareegto aad ku soo saarto in aanay dadkaasi shaqayn karin. Waad ogtahay dhalinyarada Somaliland in aanay shaqo haynin oo marka inagii oo shaqo haynin dusha la inagag soo dhaco waad garan kartaa Madaxweyne dhibaatadada ay leedahay.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka Timajarayaasha Somaliland

 

Guddoomiyaha Timajarayaash Mr. Deeq ayaa sidoo kale ka hadlay go’aankii ka dhanka ahaa masuuliyadooda ay dhawaan soo saaratay Wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland, waxaanu yidhi  ” Madaama oo aanu anagu (Raysle-yaasha) hawshaa bilawnay, go’aankaa Wasiirka waxaanu soo dhaweynaynaa oo arrimaha diinta oo dhana aad baan u taageesanahay.” ayuu yidhi Mr. Deeqa

 

 

Dhinaca kale waxa uu shacbiga Somaliland u soo jeediyay inay dhaqaalaha ay Timaha kaga xiirtaan dadka Ajaanibka ay xaq uga leeyihiin kuwa Muwadiiniinta ahi, waxaanu yidhi “Farriinta aan u dirayo bulshada Somaliland ee naga xiirta waxa weeyaan, waar ka Awoow ka Awoow anagaa ku soo xiiri jirnay oo Awoowgaagii shanaad baanu u soo xiiri jirnay, maanta haddii aad Inan yar oo Addis-Ababa ka yimi aad doorbid waa kuwo doqonimo. Waar kan Muwaadinta ah ee aad labada kun siinayso Diimi-buu ku dhisayaa, kan kale ee Ajaanibka ah ee aad siinayso Gondar ama Addis-Ababa ayuu la tagayaa, taana waanu ka soo hojeednaa mana ogolaan doono.”

 

 

Halkan ka dhagayso Codka Guddoomiyaha Ururka Timo-jarayaasha.

 

Somalilandpost.Hargeysa