Awoodda Iyo Karaamada Qaranimada Somaliland Waxa Leh Shacbiga – W/Q: Garyaqaan Muuse Yuusuf

Garyaqaan Muuse

Garyaqaan MuuseDalkan jamhuuriyada somaliland waxa uu ku dhisan yahay kuna yahay qaran madax-banaan rabitaanka shacbiga oo ay go’aan shacbi ku gaadheen isagoo dastuur ay ku aqbaleen 97% oo kala xadeynaaya awoodaha iyo waajibaadyada ay kala leeyihiin waaxayaha iyo ha’adaha kala duwan ee dawladeed sidaas oo kale ayuu dastuurku Awoodo, wajibaad iyo masuuliyado ku waajibinayaa shacbiga. Bal eeg Faqrada 2aad ee Qodobka 1aad Dastuurka Somaliland Faqradani

QODOBKA 1aad QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

2. Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.

Waxay kuu iftiininaysaa in shacbigu leeyahay karaamada qaranimada, Hadaba Marka uu shacbigii yeeshay karaamadii qaranka miyaanay ahayn in shacbigu Kudedaalo sidii uu uga hortagi lahaa wax kasta oo wax u dhimaaya karaamadiisa qaranimo.

Waxa kale oo iyaguna ah in aynu hoosta ka xariiqano hadaynu nahay shacbiga Faqradaha 1,2,3,4,iyo 5aad, ee Qodobka 34aad ee Dastuurka oo u Qoran sidan.

QODOBKA 34aad

WAAJIBMDKA MUWAADINKA IYO CIQAABTA GUDASHO LA’AANTA WAAJIBAADKA

 1. Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo dunta si waafaqsan xeerka.

2. Qof kasta waxa ku waajib ah inuu xaq dhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka.

3. Qof kasta waxa ku waajib ah inuu si hagar la’aan ah u bixiyo cashuurta iyo takaaliifta kale ee xeerku waajibiyey.

4.Qof kasta waxa waajib ka saaran yahay daryeelka, ilaalinta iyo badbaadada deegaanka.

5.Xeerka ayaa caddeynaya ciqaabta ka dhalan karta gudasha la’aanta waajibaadka ku xusan faqradda laad, 2aad, 3aad iyo 4aad.

Waxa aad fahmeysaa in ay jirto masuuliyad aynu shacbi ahaan leenahay in aynu ka gaabinay gudashadeeda taas oo u baahan fahan badan.Marka aynu ka soo baxno waajibaadkan waxaynu si fudud ula xisaabtami karnaa masuuliyiinnta Dawlada dhexe iyo dawladaha hoose oo ah shaqaale inoo adeega Ugu  danbeyn waxaan Shacbiga u soo jeedinayaa in la fahmo Masuuliyadeena kadibna lagu dhaqmo, siloo gaadho ka midho dhalinta qaranimada iyo awooda dawladnimo, kana fogaano aragtida ah in waxwalba dawladu qabanayso

Qalinka: Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed Hargeysa