Awdal: Go’aamo laga soo saaray Khilaafka Dhul-beereedka Gargaara Bari

 

Boorama (SLpost)- Shir-nabadeyn ah oo muddo todobaad ah ka socday deegaanka Gargaara Bari ee degmada Salal, ayaa maanta laga soo saaray go’aamo lagu dhex-dhexaadiyey laba beelood oo dirir ku dhexmartay deegaankaas.

Khilaafka u dhexeeya labada beelood ayaa ka dhashay dhul-beereed ku yaalla deegaanka Gargaara Bari ee gobolka Awdal, waxa todobaadkii u dambeeyey isku hor-fadhiyey ergooyin ka socda labada beelood iyo Guddi Wasiirro ah oo madaxweynaha Somaliland u xil-saaray xal u helidda khilaafka labada beelood.

Weftiga xukuumadda ka socda ee maanta soo saaray go’aamada ka soo baxay shirka, waxa hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Saleebaan Cali Koore oo ay weheliyaan Wasiirrada Wasaaradaha Horumarinta Beeraha iyo Gaashaandhigga.

Shir-nabadeynta ee labada beelood oo maanta soo dhammaaday, waxa iyadoo ay odayaasha labada dhinac goob-joog yihiin saxaafadda la hadlay isla markaana halkaas ka sheegay go’aamada ka soo baxay Guddoomiyaha Guddiga weftiga xukuumadda, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Md Saleebaan Cali Koore.

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKA HOOSE