Austria oo Xadka u Furtay Muhaajiriinta

Austria(Slpost)-Dowladda Austria ayaa sheegtay  inay Germany ku heshiiyeen inay xadka u furaan muhaajiriinta ka imanaya dalka Hungary.

59BC11CD-C771-4FB5-93AA-E5A02696D916_w640_r1_s

Werner Faymann, hoggaamiyaha Austria ayaa war saxaafadeed uu soo saaray go’aankan ku sheegay. Boqollaal muhaajiriin ah oo ku sugan gudaha Hungary ayaa bilaabay inay u lugeeyaan dhinaca xadka Austria.

Muhaajiriin ku sugnaan xarunta tareennada magaalada Budapest iyo kuwo kale oo lugeynaya ayay xukuumadda Hungary waxay u dirtay baabuur basas ah oo u qaada dhinaca xadka Austria.

Ururka laanqeyrta cas Austria ayaa sheegay inay filayaa in 800 ilaa 1,500 oo qaxooti ah ay xadka ka soo galaan saacado gudahood.