Austria oo rabta in ay “la wareegto” gurigii uu ku dhashay Hitler

Austria(SLpost)-Dowladda Austria ayaa sheegtay inay doonayso in ay la wareegto gurigii uu ku dhashay Adolf Hitler si aanay dadka aaminsan Nazi-yaddu uga dhigan goob ay ku kulmaan.

Saraakiisha ayaa sheegay in go’aankan la gaaray wada tashi dhowr sanadood socday kadib, kaas oo looga gollahaa ka hortagga danaha Nazi-yadda.

Gurigan oo ku yaala magaalada Braunau am Inn, ayaa ah kii uu ku dhashay Hitler bishiii April 1889 kii.

Dhismahani wuxu u kiraysnaa dowladda ilaa sanadkii 1972 wuxuunu ahaa meel sannado badan lagu xanaanayn jiray dadka laxaad ka la.

Sannadkii 2011 ayaa heshiiskii kiradu ka dhamaaday dowladda, haweenayda leh oo la yiraahdo Gerlinde Pommer, ayaana diiday in la dayactiro guriga oo wax lagu kordhiyo.

“Waxaanu haatan ka fiirsanaynaa sidii aanu u dejin lahayn sharci ogolaanaya in lahaanshaha hantidani ku wareego Jamhuuriyadda Austraia” ayuu yiri af-hayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha oo la hadlayay wakaaladda wararka AFP.