Australia oo hablaha buurbuuran fursad loo siiyay inay ka qayb talaan tartamada Quruxda iyo xayaysiinta dharka

Dublin (SLpost.net)- Waxa magaalooyin dhawr ah oo ka tirsan dalka Australia lagu qabtay tartano aan noocoodu hore ugu badnayn dalkaas. Kuwaas oo ah kuwa quruxda iyo xayaysiinta dharka. Tartamadan cusub ayaa markii ugu horaysay lagu soo daray hablaha aadka u cayilay oo aan ku jiri jirin tartamadii hore caadiyan uga dhici jiray dalkaas. Inkastoo dunidu dhaqan ahaan ka sinayeen in haweenku hilibka ku qurux badan yihiin, haddana is badalada wakhtiyadii u danbeeyay dhacay iyo wax badan oo caafimaadka laga ogaaday dhibaato baruurtu leedahay ayaa sababtay in haweenku la dagaalamaan hilibka, fool xumadana lagu daro dadka buurbuuran. Haddaba sida dadka qaban qaabinaya tartamadani ku doodayaan hilibku wuxuu ka mid ahaa waxyaabaha dadkii hore ee reer Australia iyo dadka waaweyn ee imika nooliba jeclaayeen, sidaa daraadeed in hablo aad u buur buurani ka qayb galaan tartamada quruxdu waa lagama maar maan ayay kooxahani ku doodayaan. Aragtidani waa mid aad ugu dhow ta ay dad badan oo afka Somaliga ku hadla ka aaminsan yihiin haweenka jidhkoodu isku buuxo ee aadka u cayilan. Meelaha laga eegayo dumarkan ka qaybta galaya tartanada ayay ku jiraan, meelo badan oo Somalidu ka qiimayso, oo haddii aynu soo gaabino aynu ku soo uririn karno gabdho kub iyo kalba jidhkoodu isku buuxo. Dabeecadaha aadamiga ayaa meelo badan iska shabaaha maadama oo dadku aabo iyo hooyo kaliya ka soo wada beermeen. Tartamadan ayaa lagu qabanayaa magaalooyin badan oo dalkaas ku yaala waxaana si wayn u buun buunisay warbaahinta kala duwan ee dalkaas. Waa markii ugu horaysay ee hablaha buurbuurani ka qayb galaan tartamo noocan oo kale ah tan iyo intii muddo todobaatan sanadood ku dhow dhow dalkaas laga bilaabay tartanada quruxda iyo xayaysiinta dharka.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net