Australia oo $10 milyan ugu deeqday Soomaaliya

Australia(SLPOST)Dowladda Australia ayaa maanta oo isniin ku dhawaaqday in Soomaaliya ay ugu deeqday lacag gaaraysa $10-milyan oo doolarka maraykanka.

Julie-bishop-400x225

Wasiirka arrimaha dibadda ee Australia Julie Bishop ayaa sheegtay in $2 milyan oo kamid ah lacagtaas loogu talo galay howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, si loo dardar geliyo la dagaalanka argagixiisada.

Waxay intaas ku dartay in $8-milyanka kale wax loogu qaban doono arrimaha Bin’aadanimada sida in la helo Biyo nadiif iyo horumarinta adeegyada Caafimaadka.

Wasiirka ayaa tibaaxday in degenaanshaha Soomaaliya ay qeyb ka tahay danaha Dowladda Australia, mana aysan sheegin sida lacagtaan uu bixin doonaan iyadoo Dowladda Federaalka ay ka aamin baxeen deeq-bixiyeyaasa caalamka kadib markii lagu helay musukh maasuq.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland