Augustina Mahiga oo Xukuumadda Somaliland Ka Raalli-geliyey Warqad Xafiiskiisa ka soo baxday iyo Jawaabta Masuuliyiinta Dawladda

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Augustino Mahiigo isla markaana raaligelin buuxda ka bixiyay Qoraal ka soo baxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa ay ka wada hadleen Wakiilka Xoghayaha Guud ee Somaliland iyo Somalia Ambassador Mahiiga arrimo badan oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka Somaliland wanaajinta Xidhiidhka wada shaqayneed ee Somaliland iyo Qaramada Midoobay,waxa uu Wakiilku Madaxweynaha hortiisa ka raali galiyay Qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa oo Somaliland ka dhigaysay Maamul Goboleed ka tirsan dalka deriska aynu nahay ee Somalia isagoo sheegay in Xilliga ay Shaqaalihiisu Warqadaas  qoreen uu ka maqnaa Xafiiska waxaanu cadeeyay in qaabkii uu hore ula shaqaynayay Somaliland aanay Waxba iska bedelin,waxaanu Ambassador Mahiiga ku celiyay inaanay duulimaad ku ahayn inay wax u dhimaan sharafta qaranimadda Somaliland, waxaanu intaas ku ladhay in Madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland-ba uu ka raali gelinayo khaladkaasi.

Ambassador Mahiiga waxaa kale oo uu sheegay inuu socdaalkiisa uu  maanta ku yimid caasimada hargaysa uu salka ku hayo sidii uu uga qayb gali lahaa doorashada golayaasha deegaanka ee maalinta beri ka qabsoomi doonta guud ahaan Somaliland waxaanu shacabka Somaliland ee ka qayb qaadanaya doorashadan uu ku baraarujiyay sidii ay uga dhabayn lahaayeen in doorashadu u dhacdo si xor iyo xalaal ah isla markaana ay nabadgalyo ku dheehan tahay.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay qarrammada midoobay ka aqbaleen raali-gelinta buuxda iyo garowshiiyaha ay ka bixiyeen gefkii ay xambaarsanayd warqad dhawaan Mahiga u soo qoray, taas oo Madaxweynaha Somaliland ay ku masaaleen Madaxweyne dawlad goboleed.

Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu ergayga uga waramay doorashada Goleyaasha deegaanka ee dalka ka dhacaysa maalinta beri taasi oo uu sheegay inay tahay doorashadii shanaad ee ka hirgashay Somaliland tobankii sanadood ee ay dalka ka tisqaadeen nidaamka asxaabta badan.

Geesta kale, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa si kooban u sheegay in Xukuumada uu ka tirsan yahay ay ku faraxsan tahay soona dhawaynayso booqashada uu dalka ku yimid Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobaay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Augostino Mahiiga,waxaanu Wasiirku intaas ku daray in Ambassadorku uu Somaliland u joogo sidii uu Markhaati uga noqon lahaa in doorashada loo dareeri doono maalinta beri ay u hirgasho si Xor iyo Xalaal ah.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Augustino Mahiigo ayaa Booqashadiisu ay qaadan doontaa Mudo laba Cisho ah.

Somalilandpost.net/Hargeysa