Atletico Madrid oo 18 sanno ka dib ku Guulaysatay Horyaalka La Liga-ha

Barcelona (SLpost)- Kooxda Atletico Madrid, ayaa ku guulaysatay Horyaalka Dalka Spain (La Liga) oo ay ka qatanaayeen ilaa xilli-ciyaareedkii 1995-1996, wakhtigaas oo tabobaraha ee xilligan Diego Simeone uu ka mid ahaa Ciyaartoygii ku guulaystay Horyaalka sannadkaas.

atlKulan lagu go’aaminayey Cidda Horyaalka La Liga-ha guushiisa gacanta ku dhigaysa oo Kooxda Barcelona gurigeeda ku marti-gelisay Kooxda ka dhisan magaalada Madrid, ayaa sagaashankii daqiiqo ku dhammaaday bar-bar dhac 1-1 ah, waxaanay taasi u saamaxday kooxda tabobare Simeone inay tartanka horyaalka ku dhammaystaan 90 dhibcood.

Kooxda Barcelona oo haysatay 86 dhibcood ayaa kulanka u baahnayd inay guulaystaan si u hantaan koobka, waxaana qaybtii hore ee ciyaarta hoggaanka ciyaarta gacantooda soo galiyey weeraryahanka funaanadda 9-ka u xidhan ee Alex Sanchez, iyada oo ciyaartu qaybtii hore ku dhammaatay 1-0 ay Barcelona ku hoggaaminaysay.

22Haseyeeshee, qaybtii labaad ee ciyaarta daqiiqaddii 49-aad waxa u suurto-gashay Atletico Madrid inay keensadana goolka barbar dhaca oo uu u saxeexay xiddiggooda khadka dhexe ka ciyaara ee Diego Godin.

Taageerayaasha Kooxda Barcelona ee ku sugnaa garoonka Camp Nou oo tiradooda lagu qiyaasay 100,000, ayaa intii ciyaartu socotay ku hadaaqayey weedho ay ka mid ahaayeen ‘Atleti…Atleti, waad u qalantaan inaad ku guulaysataan Horyaalka.’

 

 

 

 

diego1 2 3