Ataar Muujinaysa Waqtigii Ugu Horreeyey Ee Aadamuhu Bartay Cabbista Shaaha

Beijing (SLpost)- Dalka Shinaha ayaa laga helay aataar shaah oo cimrigeedu gaadhayo illaa 2100 sano, waxa aanay khubaradu ku tilmaameen in ay tahay caddaynta inta illaa hada la og yahay ugu da’da weyn ee laga qaadan karo taariikhda isticmaala aadama ee geedka Shaaha oo maanta ah cabbitaanka dunida oo dhan loogu isticmaalka badan yahay, sida lagu caddeeyey natiijada cilmibaadhistan Geeska Afrika turjumay oo lagu faafiyey majaladda Scientific Reports.

Hadhaadigan waxa ay culimada aataartu ka heleen meel ku dhow qabriga Imbaraadoorkii Shiina ee Emperor Yangling oo noolaa intii u dhexeysay 141-kii illaa 188-kii taariikhda Miilaadiga ka hor. Cilmibaadhayaal ka socda Maxadka Cilmiga Aataarta oo ku yaalla deegaanka Shanxi ee dalka Shiinaha ayaa baadhis ay ku sameeyeen xabaalo wadareedyadan Siddeetan iyo Lixda ah toddobadii sano ee u dhexeeyey 1998kii illaa 2005tii waxa ay ku heleen hadhaadiga caleentan Shaaha. Waxa aanay ogaadeen in caleentani ay barbar taallay hadhaadiga cuntooyin wax u muuqda in uu cuntooyin yahay.

Shaaha oo la aaminsan yahay in uu leeyahay faa’idooyin caafimaad oo aad u badan ayaa maanta waxaa si jogoto ah u isticmaala dad lagu qiyaaso in ay saddex meelood lab aka noqonayaan dadka dunida. Cilmibaadhistan ka horna taariikhda ugu fog ee shaaha loo hayey waxa ay ahayd illaa 59 sano ka hor taariikhda Miilaadiga, laakiin marnaba Saynisyahannadu ma’ay haynin, marag la taaban karo oo sheegaya in aadamuhu Shaah cabbay ka hor tafiirtii ama qoyskii Song oo dalkaas ka talinaysay intii u dhexeysay 960kii illaa 1279kii, lana aaminsanaa in ay Shaaha cabbistiisa iyagu bilaabeen ama ugu yaraan caan ku noqdeen. 

Xigasho Geeska Afrika