Astaamaha dib-u-dhaca lagu garto

Qof jecel in lagu ammaano oo lagu maamuuso waxaanu mutaysan,Masuul aan u shaqaynin bulshadiisa laakiin u shaqeeya Madaxweynaha, masuuliyiin shaqadooda ugu badani ay tahay ka-qeyb-gal xaflad iyo ballan-qaad aanu awood ulahay fulinteeda,qof aan ganacsi lahayn, hanti buuranna lahayn, laakiin ku raajira xilka uu umadda u hayo.

xisbiyo hadal-jecel oo hawl-neceb

Siyaasiyiinta Axsaabta oo sawir ku tartamaysa Shirarkii Jaraa’id oo la qalad-fahmay, qofkii Kamarad laga duubaaba uu odhanayo (SHIRKAN JARAA’ID BAAN QABANAYAA).

Laba qof oo is-calmaday go’aanna ku gaadhay inay nolosha ku midoobaan oo meherka ka hor sawirro dhaqanka iyo diinta ba aan ku bannaanayn la wadaaga bulshada (COMING SOON) Masuul xilka laga qaaday, ama isagu is-casilay oo aan cidina kala xisaabtamin masuuliyaddiisii uu umadda u hayay.

Abaal-marino la siiyo dad aan la qiimeyn, cidda qiimeysa lafteedana aan la qiimeyn. masuul lagu kari la’yahay xafiiskaaga fadhiiso oo hudheelada aan koob shaah ah laga cabbi karin.

Dhallinyaro samaystay ururro Qabyaaladda lagaga hor-tagayo laakiin aan iyagu iskaga bilaabin, markay xaalad reerkooda taabanaysaa ay timaado iska ilooba. dawlad waajibisa waxaanay fulin karayn

Qof waxa uu bulshada u soo bandhigo iyo waxa uu aaminsan-yahay kala gedisantahay. dal bilaa curin ah oo hawl-kasta iyo dhaq-dhaqaaq kasta oo yimaadaa ay keenaan ururada caalamiga ah.

warbaahin qaar kolba cidday lacag ku arkaan, dhaliilihiisa soo raadiya si ay uga helaan waxoogaa lacag ah. baraha bulshadu ku kulanto oo intay gabadhi soo dhigto sawir aanay asturnayn,

lagu dhiiri-geliyo inay halkaa ka sii waddo iyadoo loo isticmaalayo MAANSHA’ALAH ILAAHAY HA KUU SIYAADIYO QURUXDA, xataa haddaanay qurux-badnayn Qof dibadda ka imanaya oo lacagta lagu soo dhawaynayo soo dirsanaya (Hoo-yoo i-soo dhawee)

dawlad samaysa dareenno laab-la-kac ah,dal aan sharciga loo sinnayn

– kalmadda MARKII UGU HOREYSAY oo ah hal-ku-dhegga Dawladda Kulmiye.

– kalmadda DAWLADDA UU GADH-WADEENKA KA YAHAY MUDANE SIILAANYO oo ah hal-ku-dhegga furashada qudbadaha ee masuuliyiinka Dawladda dawlad ICTIRAAFka ka doonta meel aanu oolin dawlad safiiradeedu ay u shaqeeyaan xisbiga talada haya oo kaliya, laakiin aan u shaqaynin xisbiyada mucaaridka dal aan runta la isku sheegayn safiir Soomaalilaan u magacawday mid ka mid ah dalalka caalamka oo xafiiskiisu yahay Hargeysa, walina aan tagin dalkii loo magacaabay.