ASKARTU MA ADDOOMAA

 

Ilaahay csw markuu dadka abuurayay wuu isku sakhiray iyo weliba xayawaanka.  Waxyaabaha ugu waa weyn ee ilaahay noo sakhiray waxa ka mid ah askarta. Waa waxa wadan wadan kale kaga hormaro waa HUMAN RESOURCE-KA ugu muhiimsan. Waxa isaga dartii habeen walba u seexano, waa waxa sababay inaynu meherado waa weyn furano, waa waxa sababay inaynu iskuulu iyo jaamacado furano, waa waxa sababay inaynu habeen badhka socono. Ma dadka caynkaasaa ayaa istaahila inaynu u gacan qaadno, ma dadkaasaa istaahila inaynu cay u quudhno.

       Ayaan darrada ugu weyn ee dadkayga hayastaa waa MUWAADINNIMO LA AAN dadkaygu muwaadiniin maaha.

     Iska soo qaad akhriste adiga oo askari ah hadii dhagxaan

iyo budhadh lagula dhaco maxaad sameyn laheyd? Maad fadhiisan laheyd oo aad sugi laheyd inta aad u dhimanaso? Haddi qori lagusoo qaato oo laguugu ridayo kaaga mad faroorin laheyd. Wax aan la yaabay ayey aheyd mar aan TV-ii ka daawanayay nin masuula oo daafacayay wiil inta uu qori sooqaatay askartii ku ridaya iyaguna ay iska difaacayeen oo ku doodaya maxaa uu askarigu uga horeynayaa oo uu wiilku ka horeeyo ilaah baan kugu dhaarshee hadaad adiga ahaan laheyd maxaad sameyn laheyd?. War askartu waa inaga dad circa kazoo dhacay maaha waa adeeraden iyo abtiyashen war maxaynu u xumeynaynaa, war aynu wanaajino.

   Waa 2:00 duhurnimo waa wadada wadnaha ee hargeysa askari ayaa wadada dhinaceeda taagan isna waxa ag taagan nin shacaba labada waxey rabaan baabuur lift( sii tuura) ku qaada cidi uma joojinaso kii ugu naxariista badnaa ayaa istaagay ninkii shacabka ahaa ayuu qaaday askarigii ayaa is yidhi adna fuul hayga soo fuulin ayuu yidhi  bal ilhaaban kugu dhaarshee hadii ninkaa shacabka ah lagaa qadarinayo oo aan dirayskaga la tixgelinayn maxaad sameyn laheyd? Waxa hubaal ah inad direyska bartaa ku bixin laheyd.

    Habeen walba inaga oo sii hoyanayna oo guryeheenii iyo gogoshii diiranayd kusii socona ayay iyaguna dhaxanta usoo ban baxaan oo guryahoogii iyo ehelkoogii ka imanayaan.

War askarteena ayanu ilaashano iyagaynu wax ku nahay iyagaynu ku hadhsanaa askartu malaa ig maaha khalad wey geli karaan intaas oo qof oo shacab ah ayaa qof shacab ah dila iyaga tooda maxaa gaar ka dhiga war haloo tudha askarta

 

Khadar ismaaciil haybe

Khadar161@hotmail.com