“Askarigii Wargeyska Hubaal Soo Weerarey Oo Qaraabo Dhawyihiin Wasiirka Cadaalada Axmed Xuseen Caydiid” – AGAASIMIHII HORE EE SHURO NETWORK

shuronetAbuuritaankii iyo curashadii dhismaha iyo madaxbannaanida Somaliland, waxa sal u ahaaa furfurnaanta siyaasad ku salaysan dimoqraadiyad, ilaalinta iyo kor u qaadista xuquuqda aadamaha ee muwaadinka iyo ajnabiga ku nool Somaliland, isku xukunka shuruucda dalka si siman, siqarankana si loo sugo amniga iyo badbaadinta cidda qarankan ku hoos nool iyadoo si xor ah, cabsi lahayn oo waafaqsan qawaaniinta aaadamaha iyo kuwa dalkanba, kuna suntan dastoorka qaranka.

Madaxbaannida saxaafadda  waxay ka mid tahay mabaadi’da asaasiga ah ee xuquuqda aadamaha ee bulshooyinka demuqraadiga xorta ah, ilaalintiisa iyo hirgelintiisuba  waa waajib distoori ah oo guud ahaa dusha ka saaran hay’adaha saxaafadda xorta ah iyo xukuumadda talada haysa si waafaqsan sharciga, si loo helo ilo-wareedyo madax bannaan, run ah, dhexdhexaad ah iyo goob warbaahineed ay isticmaali karaan kuwa aan helin awood codkooda lagu maqlo.

Sida ku cad xeerka saxaafadda Somaliland (the Press Law (Law No: 27/2004), and the President’s Decree] and its attached Press Code of Conduct ), waxa la sugay amaanka iyo madaxbannanida shaqo, xuquuqda iyo waajibaadka saxaafadda iyo Suxufiga.

Xeerka Saxaafadda iyo kuwa ciqaabta ee Somaliand meelna kagama jirto xidhista iyo suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta madaxa bannaan oo ku mutaysanayaan soo bandhigista wararka runta iyagoo xor ah.

Sidaa awgeed,

–          Xidhista iyo hakinta hawlaha Xarunta Wargeyskaa Hubaal iyo weriyeyaasheeda, ee ay fuliyeen ciidamada booliska iyo Maamulka dowladdu waa wax aan waafaqsanayn Xeerarka Xuquuqda Aadanaha iyo kuwa Warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland.

–          Wixii dacwad lid ku ah Hay’ad warbaahineed ama suxufi waxa loo marayaa xeerarka ku yaal warbaahinta ee kor ku xusan, dacwadaha la xidhiidhana saxaafadduna  waa hab ku dhisan garasoor  madani ah,hase yeeshee laguma xidhi karo XOOG DAWLI ah, CIIDAN iyo WAREEGTO TOONA.

–          Waxa wax laga naxo ahaa weerarkii hore loogu geystay Xarunta dhexe iyadoo uu fashilamy isku daygii dilka ee maamulka wargeyska, oo uu ku eedaysnaa sarkaal ka tirsan Booliiska Somaliland, dhaawac halis ahina  ka soo gaadhay Maareeyaha guud ee wargeysakan, iyadoo eedaysaniihina lahu sii daayey sifo aan Garsoor dhexdhexaad oo aan caadil ahayn, Isla markaana aan waafaqsanayn caddaladda, oo an weli u cuntanmin dhibbanihii iyo dadka dhexdhexaadka ahba.

Ugu dambayn aniga oo Ahaa Agaasimihii Guud Ururrada Xuquuqda aadamaha Somaliland ee Dalladdii SHURO NET, ee nidaamkii UDUBtii hore u baabi]yey sababo siyaasadeed awgood,  oo la xidhiidhay inaanu daafici jirnay Xuquuqda Xisbiyayda Mucaaridka ah,  gaar ahaanna naloo tirin jiray Xisbigan Maanta  Talada Haya Ee Kulmiye.

Haddaba Waxaan si dhexdhexaad u soo jeedinayaa;

  1. In Xarunta  Wargeyska Hubaal ciidanka laga dul qaado, lana sii daayo werieyaasha ka xidhan, iyadoo la ixtiraamayo xeerka saxaaafadda ee dalku dhigtay,,
  2. In wixii dacwad dhan ka ah Wargeyskan loo maro Garsoo madani ah oo madaxbanaannan, loona oggolaado inay is difaaacaan.
  3. In Guddiga caddaaladda iyo Waziirka Caddaaladdu ay faro geliyaan dacwadda la xidhiidha Toogashada Suxufi Calooley iyo weerarka hubaysan ee loo geystay  xarunta Wargeyska HUBAAL.
  4. Waxaan qabaa in qaddiyadda ku xusan qodobka hore aan loo aanayn Karin Madaxweynaha wax qiimo siyaasadeed ah oo ay u samaynaysaan aanu jirin,, balse ay ku soo noqon doonto Waziirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiidoo ah qaraabo dhow u ah Askariga la sii daayey ee dacwadda loo haysto  iyo Taliska Booliiska., waana lama huraan fara gelinteeda iyo wax ka qabashadeeda.
  5. Dhacdadanina waxay u Eeg tahay shirqool siyaadaysan oo lagu xumaynayo sawirka hoggaaminta Madaxwenaha dalkan iyo wiiqista amniga qaranka si iska horimaad loo abuuro oo aan la garanayn cidda ay dani ugu jirto

 

 

Allaa Mahad leh

 

Nasir Bedel Ismael

Agaasimihii Fulinta ee Dalladdii Xuquuqda Aaadamaha ee SHURO network

Email address: nasirbedel@gmail.com or

Mobile  number: 063 4422414