ASKARIGII SHIRKADDA – W/Q: Cabdifataax Axmed

Beri hore oo Fog ayaa waayuhu ku soo Dhex Tuurey Caalamka Ciidanka iyo Askarinimada,Markasta oo la arko Muuqaal ahaan iyo Dhaqan ahaanba Waxa la odhan Jirey Ninkani Wuxuu Noqon doonaa Ciidan,Dagaalkiisa oo badnaa iyo Rabshadaha Dhalinyarta iyo Qalafsanaan Dabeecadeed oo biyo Dhigtey Ayey Dad badani ula Jeclaadeen in Ciidanka lagu daro,Ujeedadu waa in la Helo Qof Dharka Askarta loo Xidho,Qoriga Degta loo saaro laguna Seexdo,Waxaanse aad looga Fekirin Tayada iyo Dabeecada Qofnimo ee Askari iyo Ciidan laga rabo oo ka Muhiimsan in Keliya Dharka Askarta loo Xidho.Meelkasta oo Aduunyada Dagaalo Sokeeye ka socdaana waxa Ciidan Noqda oo Cadho qaada Qoriga Da,yar badan am loo qorto ama lagu Qasbaa.Kuwii Bulshada Af iyo Xoogba ku dhibey  Ayey Sharcigii iyo Dharkii Askartana u Xidhayaan oo ay u Sharciyeeyeen Dhicii iyo Hagardaameyntii Shacabka Ayaanad Maqleysaa.

Mar haddii dadkii intoodii Badneyd ay iska Diideen Askarinimo iyo Ciidan oo ay u arkaan Shaqo Dhimasho iyo Eedba leh,Qofkii doonayaba ama soo galayaba waa lagu soo dhaweynayaa,Haddii Aqoontii kale laga Jeclaadey Amaanka wadanka,Amaanka wadanka waxa loo qoran doonaa Mid aan Caqli iyo Cilmi toona laheyn oo ku Difaaci doona.Sidaasi Ayey askarnimada ku soo galeen Dad badani,Halgankii iyo Dhibaatadii Ummada loo geystey Ayaa Qoriga u xambaariyey kuwo badan oo loogu Qasbey,Ciil iyo Cadho iyo Xornimo Ayaa laga buuxiyey iyaga oo aan laheyn Tababar ciidan.Wax kasta waxa ka Awood badan Xanaaqa iyo Niyad Wanaaga kugu Jira ee la xidhiidha in aad wax iska Dhiciso,Waa taasi Mida u suurtagelisey Ragg badan oo aan laheyn Aqoon ciidan in ay haddana Dagaal soo galeen Qorigana ay u rideen Dhinaca Cadowgu ka xigo.Halganka Xornimada iyo Guumeysi la dirirku wuxuu Kiciyaa Da,yar badan oo si aan ku talo gal laheyn loogu daro ama isaga Xaadirisa Goobaha halganku ka socdo Xabaduna ka dhaceyso.

Xoreynta ka dib Ninkastaa Waa Ciidan,Geesiyaashii Guusha Keenay Cadowgana dadka ka Dhiciyey ,Naftoodana Hurey Ayaa Mudnaanta Koowaad leh.In uu Geeljire Halgankii lagu qasbey ahaa Maanta lagama Hadlaayo waxa laga Hadlayaa in uu yahay Guutadii Wadanka soo gashey ee Cadowga la dirirey,Weligii intuu Qoriga sitey Muu xidhan Dhar Ciidan oo Qurux badan oo Halgan Ayuuba ku Jirey hubeysan,Maanta Ayuuse Rajeynayaa in Dawladnimadu Dhar u xidho,Askari ciidan Qaran u Aqoonsato Isla markaasina Tababar ciidan oo Xeeldheer u Furto.

Farxada iyo Hanashada Wadankii Niyada Birta ah lagu Xoreeyey  Ayuu ku ilaawey Dhaawacyo badan oo  Gacanta iyo Lugahaba ka  soo gaadhey.Laba Xaas Ayuu Lahaa iyo Caruur aan yareyn oo Maanta Waxba Yaan laheysanini Nabadgelyo Wadanka ugu nool,Wuu Ogyahay in aan Waxa yar ee la Siiyaa ku Filneyn, Dawladuna aaney Weli Ciidanka u heynin Dhaqaale buuran oo Wuxuu si dadban u Raadsadaa Shaqo xoogsiga iyo Farsamada si uu ugu Kaabo Xaasaskiisa.

“Marka uu ka Sheekeynaayo Dagaaladii oo inta badan uu Sheekadiisa ku soo daro wuxuu Odhan Jirey,Marka aad Cadow la dagaalameyso ee Dadkiina oo dhami kula Socdaan Waad Guuleysan kartaa,Haddiise Iyagii dib isugu Noqdaan oo Habar,habar iyo Sokeeyo Dilaaco adigana Reer ku qorto Wax ka xun Ma soo arag,Markaad dib isaga soo Horjeedsataan Saaxiibo aad beri garabka isku heyn Jirteen”

Nolol Adag,qalafsanaan iyo Dabeecad Xumo,Cibaado la,aan iyo Balwadaha sida Jaadka iyo Sigaarka Ayuu sidoo kale ka hadli Jirey in uu ku Bartey Ciidanimo,Asxaabtaada oo dhan oo wada Ciidan ah iyo in aad Degan tahay Xero ciidan ama Xaafadaha Askarta Ayaana ka duwan Nolosha Bulshada kale.

Isku soo Wada Duub oo Askarigaasi Maanta Dhinacna waa ka Ciidan dawladeed,Dhinacna waxa loo soo Qorey loona Direy in uu la shaqeeyo Mid ka mid ah Shirkadaha Ganacsi ee Caasimada ku yaala,Wuxuu hor Fadhiistaa Albaabka hore ee Marka shirkada la soo gelaayo,Wuxuu Xidhan yahay Lebiska dharka Askarta,Wuxuu sitaa Qorigiisa,Waxa ay Shirkadu siisaa Lacag dheef Mushahareed oo uu ku Darsado Inta Dawlada,Askarigii Kululaa intii halkan uu Joogey wuu Qaboobey,Dhaqankiisii iyo Dadnimadiisii Ayaa kor loo qaadey,Nadaafadiisii iyo Heybadiisii qofnimo Ayaa isbadeshey,Balwadihii Xumaa sida Jaadkii iyo Sigaarkii Ayaa laga Joojiyey,Dabeecad wanaag,Naxariis iyo soo Dhaweyn iyo ilaalin ku dhisan caqli Ayuu Bartey,Salaadaha Midi kama Tagto,Tusbax Dheer Ayuu mararka qaar ku wardinayaa,Wuxuu Akhrisanayaa Kitaab Duco,Wuxuuna Dhageysanayaa Muxaadiro uga socota Telefoonka gacanta.Markii Askarigii Askari Shirkadeed Noqdey Ayuu sidani isku badalay oo xitaa Gadh weyn la baxey oo Sheekh Mooge Loogu Yeedhey.Wuxuuna Rajeynayaa in Maalin maalmaha ka mid ah loo qaadan doono Shaqaalaha Shirkada ee Xafiisyada la geeyo,Computeradana wax ku Qora.