Askari Yuhuudi ah oo Si Faahfaasan uga sheekeeyey Khasaare ba’an iyo Jab Ciidamadooda ka soo gaadhay Dagaal Dhexmaray dagaalyahannada Xammaas

Tel Aviv (SLpost)- Askari Yuhuudi ah oo ka badbaaday iska horimaad culus oo maalintii Axaddii ka dhacay xaafadda Shujaaciyah ee Marinka Gaza, ayaa ka sheekeeyey wixii uu indhihiisa ku arkay dagaal fool-ka-fool ah oo dhexmaray dagaalyahannada Hamas.

Sida lagu baahiyey Barta Internetka ee Walla oo laga leeyahay Dalkaasi Israel, ayaa waraysi la yeelatay askarigan oo ka tirsan Guutada Golan, taas oo maalintii Axadda Isku dayday inay gudaha u gasho xaafado ka mid ah magaalada Gaza, xilli ay socdeen duqeymo culus oo isugu jira Cirka, Dhulka iyo Badda oo Yuhuuddu ay ku garaaceen magaaladaas.

images“Guutada Golan waxa maalintii Axaddii Qabsaday mid ka mid ah maalmihii ugu adkaa ee taariikhda soo mara, waxaana laga dilay 13 askari, 50 kalena dhaawacyo kala geddisan ayaa la gaadhsiiyey,” ayuu yidhi ASkarigan oo ka gaabsaday inuu magaciisa shaaciyo.

Wuxuu sheegay inay ku adkaatay inay goobta dagaalka ka daad-gureeyaan Meydadka iyo dhaawaca Askartooda, isaga oo xusay qalbi-jab xooggan oo qabsaday askarta markii ay arkeen saaxiibbadood oo dagaalka ku dhintay.

israli“Xaalku aad ayuu noogu adkaa, waxaan aragnay Taliyihii Guutada oo korkiisa oo dhan uu dhiig qariyey, lugtiisa oo ka go’dayna hortiisa taallo, taliyihii hawl-gelinta oo dhintay, ku-xigeenkii taliyaha Ciidanka iyo madaxii Sirdoonka oo dhaawacyo culusi soo gaadheen,” ayuu yidhi Askarigani.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Baabuur ay la socdeen askar ciidankayaga ka tirsan waxa qabsaday qarax weyn, waxaanu markii horeu malaynay gantaal Cornet ah oo lanagu soo ganay. Meesha uu weerarku ka dhacay aad bay cidhiidhi u ahayd, ka dib waxay bilaabeen (Dagaalyahannada Xamaas) inay rasaas ciidda ka badan nagu furaan, ujeedadooduna waxay ahayd inay Askar Afduubtaan ama Meydad Qaataan.”

Askarigani waxa uu intaas ku daray in dagaalyahannada weerarka la beegsaday ay ka soo baxayeen godad ku yaala dhulka hoostiisa, isaga oo tilmaamay in ciidankoodu ku jaah-wareereen xaaladda iyo sida ay wax u socdeen, ka dibna ay qasab ku noqotay in jiho walba ay u furaan rasaas tiro-beeshay oo aan bartilmaamed lahayn.

“Labada saacadood ayuu dagaalku socday, xabbadaha waxaan u furnay si aan kala joogsi lahayn si aan goobta uga fogeyno, laakiin waxaa kedis kugu noqonaya in midkood uu kaaga soo baxo dhulka hoostiisa, rasaas xoogganna uu kugu furayo,” ayuu yidhi.

Askarigan oo sifeynaya mucjisooyin iyo wax uu ku tilmaamay mahadho taariikhdiisa ku sugntan oo uu indhihiisa ku arkay maalintaas, waxa uu yidhi, “Wax walba oo hortayada yaallay waxay ahaayeen dhiig iyo hilbo googo’ay, waxaan kala saari weynay askartii aanu saaxiibbada ahayn, jaho-wareerka ayaa nagu batay, muuqaalkaas oo kale waligay ma arag, Askartuna waxay ahaayeen kuwo qaylinaya oo ooyaya.”

7killedWarbaahinta dalka Israel, ayaa warbixinno kala duwan ka qortay khasaaraha maalintaas ka soo gaadhay ciidamadooda weerarka dhulka ah ee ay isku dayeen inay ku qabsadaan qaybo ka mid ah magaalada Gaza, waxaana marba marka ka dambeeya soo baxayay faahfaahinno dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha Yuhuudda ka soo gaadhay weerarkaas oo la rumaysan inuu khasaaruhu intaas ka badan yahay.

SOMALILANDPOST.NET