Askar Lagu Carbinayo Nidaamka Cashuur Ururinta Dalka oo Tababar Looga Furay Madheera

Hargeysa(SLpost)-Xarunta tababarka ciidanka ee Madheera ayaa saaka tababar looga furay laba boqol(200) oo askari kuwaasoo lagu carbinayo qaabka cashuur ururinta dalka. Munaasibad loogu qabtay xarunta tababarka ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiiru-dawlaha wasaaradda maaliyadda, wasiir ku xigeenka amniga, taliyaha ciidanka booliska iyo saraakiil kale.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay taliyaha dugsiga tababarka Madheera, guddoomiyaha degmada Madheera iyo taliyaha tababarada ee Booliska, iyaga oo dhammaantood sheegay in ay askartani awood u leedahay in ay ka shaqeeyaan cashuuraha dalka, sheegayna in ay qaranka faa’iido weyn u leeyihiin.

Taliyaha guud ee Booliska qaranka Sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo isaguna madashaa ka hadlay ayaa sheegay in askartan looga baahan yahay anshax dheeraad ah iyo waddaniyad ay ku waajihaan waajibka qaranka. Taliyuhu isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Askari booliiska ihi meelkasta oo uu joogo waa in uu awood u leeyahay gudashada hawlaha qaranka. Ardayda dugsiyada sare ee imika cashuuraha ururintooda la barayo ama taraafiga waxa looga dan leeyahay in uu askarigu waxna qori karo waxna akhrin karo”

Wasiiru-dawlaha wasaaradda maaliyadda Cismaan Saxardiid ayaa isagu waxa uu sheegay waxa laga rabo in ay askartani la yimaadaan iyo sida ay u tixgaliyaan dadka tababaran ka wasaarad ahaan ee uu mushaharka dawladda garanaya sida xaq loogu leeyahay.

Ugu dambayn wasiir-xigeenka amniga mudane Cabdi Daahir Cammuud ayaa ka xusay in ay rajaynayaan in ay si fiican uga shaqeeyaan nidaamka cashuur ururinta dalka markastana ku dhiirigalinayaan wada shaqayn rasmi ah.

 

Somalilandpost.net, News Office