ASAL Organizers Association (AOA) oo shaaciyay Qabashada Carwadii 2aad ee Ganacsiga Somaliland

Hargeysa (SLpost)– Shirkadda Agaasinka ee ASAL Organizers Association (AOA) ayaa maanta shaacisay inay bisha July ee sannadkan 2012 qaban doonaan carwadii labaad ee Ganacsiga Somaliland.

Shir-jaraa’id oo ay hoggaanka sare ee Shirkadda AOA saaka ku qabteen magaalada Hargeysa waxay sidoo kale ugu mahadnaqeen ganacsatadii ka qaybgashay carwadii sannadkii hore, iyaga oo sidoo kalena baaq wargelin ah u diray guud ahaanba ganacsatada u heellan inay ka qayb-qaataan carwada sannadkan.

“Waxaannu u mahadnaqaynaa dhammaan ganacsatadii nagala soo qayb-gashay Carwadii sannadkii hore oo ahayd tii ugu weynayd ee lagu qabtay Somaliland muddadii ay jirtay. Sidoo kale waxaannu ogeysiinaynaa ganacsatada danaynaysa in aannu qabanayno bandhiggii labaad ee carwadan, kaas oo socon doona inta u dhexeysa July 7 illaa July 11, 2012.” ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf oo ka mid ah maamulka shirkadda Agaasinka ee ASAL Organizers Association, AOA.

Yuusuf Axmed Ibraahin oo isaguna ka mid ah madaxda shirkadda ASAL Organizers Association ayaa ka warbixiyay waxyaabaha uu bandhigga sannadkani kaga duwan yahay kii ka horreeyay, isaga oo xusay inay horumarin dhinacyo badan leh ku soo kordhiyeen, isla markaasna ay adeegyo dheeraad ah sannadkan u fidin doonaan macaamiishooda.

Waxa kale oo madashan saaka ka hadlay Siciid Jama oo isaguna ka tirsan maamulka ASAL Organizers, waxaanu tilmaamay muhiimadda ay leedahay qabashada carwooyinka noocanka ahi. “Waxay horseeddaa isbarasho ganacsatada dhexdeeda ah iyo mid ganacsatada iyo macaammiisheeda ah,” ayuu yidhi Md. Siciid Jama.

Bishii December ee sannadkii hore ayay shirkadda Agaasinka ee ASAL Organizers Association, AOA, ku soo bandhigtay magaalada Hargeysa Carwo-ganacsiyeeddii ugu ballaadhnayd ee lagu qabto Somaliland, taas oo ay ka soo qayb-galeen in ka badan 100 shirkadood oo ka kala yimid gudaha iyo debedda Somaliland, iyada oo soo jiidatay indhaha ganacsatada iyo guud ahaanba dadweynihii ka soo qaybgalay.

Si kastaba ha ahaatee, diiwaangelinta ganacsatada ka qayb-galaysa ayaa wakhtigan xaadirka ah si xawli ah u socota, iyada oo macluumaadka la xidhiidhana laga heli karo barta Internet-ka ee Shirkadda ASAL Organizers Association, AOA – http://aoaevent.com/.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net