Arsenal Wenger oo khasnadaha u jabinaya si uu u helo laacib fiican

Tababaraha kooxda Arsenal ee Wenger ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu bixiyo qiimo kasta oo ku helayo laacib wanaagsan.

Kooxda Gunners ayaa haatan bilaabaya nolol ay ka maqan yahay kabtankoodii Cesc Fabregas kaasoo todobaadkan ku biiray kooxda Barcelona, waxaana ay keentay in su’aalo badan la iska weydiiyo awooda kooxda Arsenal ee xilli-ciyaareedkan horyaalla.Tababaraha Faransiiska ayaa beeniyay wararka lala xidhiidhinayo ciyaarayahanka garabka ka ciyaara ee kooxda Valencia Juan Mata iyo laacibka Shakhtar Jadson, laakiin waxa uu sheegay inuu lacag bixin doono hadii uu arko ciyaaryahan uu hubo inuu kooxda ku fiican yahay.

“Waxaan bixin doonaa 30 milyan, xitaa waxaan bixin doonaa 40 milyan Ginni hadii aan helo ciyaaryahanka fiican” ayuu yidhi Wenger oo u warramay Sky Sports.

“Laakiin su’aasha kama taagna lacagta ee waxa ay ka taagan tahay tayada aan raadineyno. Ma doonayo inaan lacag ku kharashgareeyo ciyaartoy iska caadi ah oo meel dhexaad ah qaban kara. Mana ka baqeyno inaan lacag kharashgareeyo marka ay nala tahay in la joogo waqtiga saxda ah. “Taageerayaasheena waxa ay heystaan sababo kale oo badan oo kooxdan ay ugu hanweynaadaan, qiimaha kooxdu ay  leedahay, sida kooxda loo maamulo, waxa kooxda ka dhisan tahay. “Dabcan waan dooneynaa inaan koobab ku guuleysano, ma qof aan dooneynin ayaa jira inay kooxdu koobabqaado “Laakiin waxaan dareemeynaa inaan sannadkii hore ku dhawaanay, shalaydeyda ugu weyna waxa ay tahay inaanan ku guuleysan, laakiin waxaan u dagalameynaa dhamaan koobabka oo dhan, nasiib-darro yar ayaana naga heysa.Markii wax xun ay kugu dhacaan sida kaliya aad kaga jawaabi karto waa midnimo” ayuu yidhi Arsenal Wenger.