Arrimaha lagaga Hadlay Kulan Dhexmaray Komishanka Doorashooyinka iyo Xisbiyada UCID & Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Kulan ka mid ah diyaar-garowga Doorashooyinka Dalka, ayaa maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee magaalada Hargeysa, waxaana goob-joog ka ahaa masuuliyiina u sarreysa Xisbiyada UCID iyo Kulmiye.

 

Xisbiga ugu taageerada badan Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland ee WADDANI kama qayb-galin kulankan iyo kulamo hore oo dhexmaray Komishanka iyo Axsaabta Siyaasadda, iyadoo xisbigu hore ugu gacan-saydhay inay wax wada-shaqayn ah la yeeshaan Guddiga Doorashooyinka oo ay kalsoonida kala noqdeen inay wax doorasho ka qabtaan dalka isla markaana ku baaqeen inay dhammaantood la beddelo lana sameeyo Guddi cusub ka hor inta aanay gaadhin xilliga loo muddeeyey doorashooyinka.

 

Kulanka oo warbaahintu dibad-joog, waxa markii uu soo dhammaaday faahfaahinta ka bixiyey waxyaabaha laga wada-hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKA HOOSE

 

 

somalilandpost.net

contact@somalilandpost.nt