Argentina iyo Germany oo 24 Sanno ka dib Ku Kulmaya Final-ka Koobka Adduunka

SPORTS (SLpost)- Xulka Qaranka Argentina ayaa u gudbay Finalka koobka aduunka markii koowaad tan iyo 1990 kii , 13 ka bishana Germalka ku wajahi doona garoonka Maracana ee caasimada Rio de Janeiro, kadib markii ay Rigoodhayaal 4-2 ah kaga adkaadeen xulka qaranka Holland, ciyaartii Semi finalka caawa oo la isku naf baxay.

Taariikhda ayaa dib isu celisay , Finalka Koobka aduunkana waxaa markale kulmay Germany iyo Argentina oo koob adduunkii 1990 kii Finalka koobka aduunka ku kulmay, markaas oo xulkii West Germany calfaday oo ku guulaystay.

xilKadib markii la isku mari waayay 0-0 , 90 minute ciyaarta loogu tallo gallay iyo 30 kii dheeraadka ahaa ee lagu daray, sidii sharcigu ahaa , wuxuu garsoorihii reer Turkey ee Cuneyt Cakir iclaamiyey rigoodhayaal.

xidigaha Ron Vlaar iyo Wesley Sneijder ayaa xulka Holland ka khasaariyey fursadii rigoodhaha ahayd ee loo dhigay , taas oo guusha u horseeday, Finalka koobka aduunkana u dirtay xulka Argentina, una quus goysay qaranka Netherland.

Habeen aan waxba la isula hadhin ayaa xidigaha Messi oo Argentina ah iyo Robben oo Netherland ahi , waxay isu mari waayeen 0-0 wakhtigii caadiga ahaa, waxaana rigoodhayaashii calfaday xulkii uu watay tababare Alejandro Sabella.

Xigasho: Cadalool Sports