Argagax Ayey Nagu Noqotay Imaatinka Madaxweyne Siilaanyo ee Laasqoray” Wasiirka Maamul G/Puntland C/wali Xirsi

Garoowe (SLPOST) C/wali Xirsi Indha guran wasiirka wasaarada Warfaafinta Puntland ayaa ka hadlay manta tagitaankii madaxweyne siilaanyo degmadda laasqoray,

DSCN9824-348x180

Wasiirku waxay uu ku tilmaamay falkaasi in uu yahay mid daan daansi ah laguna abuurayo colaad sokeeyo.wasiirka hadlkiisa waxa uu ku bilaabay

“Ilaa dhowr iyo tobankii sannadood ee ay Puntland Jirtay Laasaqoray waxay ka mid aheyd Puntland, markii aan maqalnay arintaas waxay nagu noqotay Argagax, Runtiina waxan u arkeynaa khalad iyo Xadgudub iyo Colaad Aburis” sidaasi waxaa yidhi Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Wasiir indha guran ayaa tilmaamay in waxyaabaha ay la yaabeen lana arga gexeen ay tahay in Laasa qoray oo ku sii jirta gudaha Puntland aan marna la fileyn booqashada xadgudubka ah ee uu ninkii ugu sareeyay  Soomaaliland uu ku yimaado deegaankaas.

“Laasa qoray ma aheyn meel hada ka hor la isku qabtay oo lagu murmay, waxaa jirtay deegaano kale oo lagu dooday, laakin laasaqoray kuma jirin, laasa qoray waxay aheyd meel nabad iyo degenaansho ka jirto Puntlandna hoos timaada” Sidaasi waxaa yidhi markale wasiir indhaguran.

Dhinaca kale wafdi ka socda Puntland oo isugu jira wasiiro iyo Maamulka gobolka Sanaag waa sidda ay sheegeen nimankaa ayaa maanta tagay Magaalada Laasaqoray.

Wasiiru dowlaha Dekedaha iyo gudoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland ayaa ka mid ah wafdiga tagay laasaqoray

Kuwaas oo dadka ku booriyay in ay dhinac ugu wada soo jeestaan iyaga oo isku duuban in dhinac looga soo waddo jeesto wixii amniga wax udhimaya colaad sokeeyana abuuraya .

Dhanka kale wali wax war ah ka soo bixin masuuliyiinta uqaabilsan Somaliland gobolkaa sanaag bari ee somaliland.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland