“Ardey Ayaan ku idhi waar Warqadaasi Casharka ah ee lagu soo tuurey Banaanka Yaa leh wuxuuna iigu Jawaabey waa laga Dhameystey” – W/Q: Cabdifataax Ceelaabe

Markasta oo Somaliland Imtixaan Heer caalami ahi ka dhacaayo ama la soo gaadho Sannad dugsiyeedka dhamaanaya waxa la Maqlaa Arimo badan oo la xidhiidha eegasho badan oo dhacday,Dhinaca ilaalada imtixaanada Ayaa aad looga hadlaa.Imtixaanka dugsiyada sare Ayaa ka mid ah imtixaanada berigii hore aadka u adkaan Jirey si weyna looga baqi Jirey.hase ahaate sannadihii ugu danbeeyey Imtixaanadaasi waxa laga soo sheegayey ama ma Maqlaayey in aan xaga ilaalada imtixaanada Macalimiin badani kala kulmaan Dhibaatooyin la xidhiidha dhinaca amaankooda.Arintaasi oo la xidhiidha Ardeyda oo 90% imtixaanka ugu soo diyaar garowda in ay eegtaan ama sita warqado eegasho.

Suuyqada caasimada Hargeisa Ayaad ku arkeysaa dad aad uga sheekeysanaya sida ay isku badaleen Ardeyda wakhtigan waxbarashada ku Jira marka la  hor dhigo kuwii iyaga ka horeeyey.Macalimiin badan Ayaa kaaga warameysa markaad la sheekeysato sida dedaalkii iyo Wax akhriskii ardeydu meesha uga baxey marba marka ka danbeysana u sii Yaraanaayo.Dhinaca kale xubnaha imtixaanada ilaaliya ama loo qaato ee loo Yaqaano (Invigilators) Ayaa kaaga waramaya dhacdooyin badan oo la xidhiidha sida ardeyda sannadahani wax ku baraneyso iyo sida ay ugu diyaarka yihiin in ay Su,aal kasta warqad ay sitaan uga qortaan ama qof kale uga eegtaan,iyaga oo weliba kuu sii  raacinaaya in ay u baqaan ama mararka qaar gacanta ay u qaadaan qaar ka mid ah ardeyda oo diidan in Qishkooda ama warqadaha ay wax ka eeganayaan laga qaado.

Dhicida Ardeyda Ayey dawladu yareysey waxaanad Maqleysaa 4,000 oo Ardey oo imtixaan u fadhiistey oo dhamaantooda wada baasaya,Heerarka A,-A ,A, ama A Minus waxa loo sameeyey in aanu qofna dhicin si ardeyda loogu dhiirigeliyo in uu wax barto  oo aanu u tahriibin.Ardey lagu sasabaayo in aanu dhicin ama hadhin Ayaa wadanka ka buuxa.Dhinaca kale arintani waa mid aad uga Jirta Jaamacadaha wadanka inkasta oo ay ku kala fiican yihiin Xaga nidaamka oo la odhan karo Jaamacada hargeisa la mid maaha kuwa Gaarka loo leeyahay haddana Jaamacadaha oo dhan waxa ka Jira in aan ardeyga la maqashiin in uu dhacey,Ardeyguna ma maqli karo waad dhacdey mana Hadhi karo,Qaarkoodna waxa ay ku doodaan in lacag laga  qaadey sida kuwa gaarka loo leeyahay oo ay uga tagi doonaan haddii la rido.Culeyska maamul xumada waxbarasho ee ka Jirta wadankuna wuxuu si rasmi ah u fuuley uguna dhacey macalimiinta Ardeyda wax u dhigta oo aad u ilaaliya Ardeyda markastana isku daya sidii ay ardeyda u qancin lahaayeen kooda saaqidka ah iyo kuwa ugu cadcad intaba.Ardey aan Joogin xiisaska isla markaasina aan Fahmin Ujeedada iyo hadafka Mawduuca ama maadada Ayaa raba in uu Helo Derajada A.

Waxa Qudha ee Ardeydu ay ka sheekeeyaan ama u heelan Yihiin Ayaa ah in ay Maqlaan Waad baastey imtixaankii.Wareysiyada ugu badan ee ay macalimiinta la yeeshaan Ayaana ah “Macalin ka waran Imtixaankii,Macalin naga soo Jilci iwm”.Macalinka waxa lagu Jeclaada meelo badan hadba sida uu ardeyda ugu ilaaliyo Derajada ay rabaan.Waxaana soo baxey Ardey Maskaxda ka mashquul ah,Daalan oo Awood waxbarasho aaney ku Jirin haddana Dugsiyadii iyo Fasaladii waxbarashada aad u soo camiraaya,Ardey talooyinka macalimiinta aan dhegta u dhigin haddana raba in wax kastaa u hagaagaan.Ardey dhinaca luqadaha iyo ku hadalka luqada Englishka ama fahankeedu aad ugu adag yahay,Ardey si aan isku lod iyo Darajo aheyn la isku raaciyo loona qaato iwm.Halkaasina waxa ku dhex dhimanaya oo aan marna la ogaaneynin Ardeydii wanaagsaneyd oo markasta aan laga reebeynin kuwii saaqidiinta ahaa.

Qorshe la,aanta ina heysata Ayey ka mid tahay in 5,000 oo Imtixaan u fadhiistey la wada baasiyo,Haddana Dhamaantood ay Jaamacad ka soo wada baxaan iyaga oo aan sannadna la kala reebin.Tirada badan ee Dugsiyada sare ka soo baxda Ma keliya Jaamacad in ay galaan Ayeynu ka rabnaa.Maxaase loo wada baasinayaa ama Jaamacaduhu u wada qaadanayaan Ardey aan xaq u laheyn in ay Fasal jamacadeed soo Fadhiistaan.Waa Marka dadkeenu Yidhaahdaan waxbarashadii waxa ay Noqotey Shaqo lacag lagula soo baxo.22 Sanno ka dib Ayaa nidaamkeenii waxbarasho Noqdey in Qof lagu baasiyo lacag Ayaa laga qaadey oo wuu kaa tagi haddii aad rido markaa bal muxuu noqon doonaa 5ta sanno ee soo socdana,waa in si toos ah ardeydu ay maamulka jaamacadaha iyo dugsiyada gacanta ugu dhigaan oo ay iyagu sida ay doonaan ka yeelaan oo ay xitaa Yidhaahdaan 90 Marks ma qaadanaaye 100 ha la iiga dhigo.

Ardeyda Dugsiyada markaad wareysato waxaad ka dhex Maqleysaa iyaga oo ku kaftamaya ama ka sheekeynaya wixii Qish dhacey ama sidii ay u kala eegteen.Midkasta oo wax garanaya ama habeenkii soo jeeda waxa dugsanaya oo sugaya mid habeenkii ciyaar ama Qayilaad ku soo jeeday oo weliba og in uu baasaayo.Ardey Imtixaanka ka soo baxey Ayaan la sheekeystey oo iiga waramey Waxa ka dhacey dugsiga uu imtixaanka ku galaayey iyo sida Ay ardeydu dhamaantood qish u wada sugaayeen.Wuxuu ii sheegay dugsiyo dhib badan oo si badheedh ah ardeygu iskugu dayaayo in uu eegto.Wuxuu ii sheegay in dhibaato badan ay ku qabaan macaliimiinta ilaalineysa oo ka baqaya xitaa qaarkood ardeyda.Waxa la wada sitaa warqado Far 8 ama 9 Size lagu soo qorey oo la wada kala koobiyeystey.Arintaasi oo aan Jiritaankeeda aad u arkey.”Cabaaro 10 subaxnimo sannadkii hore aniga oo ku Jira meel Koobi ah Ayaa waxa soo galay ardey sita warqado Qish loo soo diyaariyey oo uu rabey in Koobi badan looga sameeyo,Markii uu ula yimid inankii koobiga ee uu arkey Ayuu ka diidey wuxuuna u sheegay in aanu ardeyda ku taageerin Qish kuna shaqeysan in uu lacag sidaas ah ka qaato dadka”.

Qishku waa Kalmad ama Eray Ardeyda wax dhiganeysa iyo Dugsiyada waxbarashada ka caan ah,Waa wax la ogyahay in ardeydu ku kici karto isla markaasina Macalimiin iyo Maamul intaba laga warhayo.Waa wax xitaa Ardeyga wanaagsan ka dhici kara oo uu mararka qaar isku dayi karo.Waase maanta wax batey oo kala eegashada ama kala qorashada Imtixaanada ee ardeydu heerka uu maraayo lama Qiyaasi karo.Xitaa macalimiintii Ayaa markii ay arkeen in aan maamulkii waxba ka qabaneynin ardeyda ay ku qabtaan qish Naftoodii ilaashaneysa oo xitaa Qaarkood Ayaaba macalimiinta go,aansadey in aaney weligood imtixaan ilaalin.

Ardey soo kala qoratey,soo kala eegatey ama wax isku mid ah wada sita Ayaa macalimiinta u soo gudbisa Assignments si koox ah ah ama qof qof ah.Koox Ayaa qof keliya ka soo wada Koobiyeysaneysa Wax aaney Akhriyin,iska eegin ama aaney fahmin waxa ku qoran.Ardey Ayaa koobi ka sameysanaaya Ardey kale oo raba in uu sidaasi macalinka ugu dhiibo,Haddii su,aal laga weydiyana aan xitaa garaneynin.Ardeyda qaar Ayaa xitaa Koobigu la gaadhey in ay macalimiinta u dhiibaan Warqad xitaa magac nin kale ku qoran yahay oo koobiga ka soo raacey.bal ardey u diyaar ah koobi nin kale iyo waxa ay ardeydu qishka ugu yeedhaan ama eegasho maxaa laga qaban karaa.Qaar badani ma istaahilaan in loogu yeedho Jaamici ama aqoonyahan.

Ardey surwaalku ka dhacaayo,Timaha raameeyey oo dhinacyada xiiran,Cidiyaha la baxey,socodkiisuna qalqalooco,waxba aan soo Akhriyin ama Maskaxdiisuba aaney soo Jeedin Ayaa raba in loogu Yeedho aqoonyahan.Aqoontu maxay u tusi weydey in uu timaha si hagaagsan iskaga xiiro.Todobaadka Imtixaanada Jaamacadaha haddaad tagto waxaad arkeysaa meelkasta warqado daadsan.Warqadihii wax lagu dhiganaayey ayey qaarkood daadiyeen.Qaarkoodna boqolaal warqado qish ah oo laga soo saarey ama ay ka qorteen ayey kaga tagayaan Fasalada ama hoolalka imtixaanka lagaga qaadey,Meelkasta warqad Ayaa daadsan xitaa qaar ayaa buugagtooda iskaga taga oo aan rabin.Ardey Ayaan ku idhi waar Warqadaasi Casharka ah ee lagu soo tuurey Banaanka Yaa leh wuxuuna iigu Jawaabey waa laga Dhameystey.