Ardayda Fasalka 8aad ee Sannad-dugsiyeedkan ka Baxaysa Dugsiga H/Dhexe ee Sheekh Bashiir oo Munaasibad sagootin ah loo sameeyey

Hargeysa (SLpost)-Ardayda Fasalka Sideedaad ee Dugsiga Hoose/Dhexe ee Sheekh Bashiir ee Magaalada Hargeysa, ayaa maanta loo sameeyey Munaasibad hordhaca oo lagu sii sagootiyayo Dhammaystirka waxbarashada Dugsiga Dhexe.

sawirla
BIDIX: Maamulaha Dugsiga Khadra Axmed Jaamac

Xafladan oo Maanta lagu qabtay Huteelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb-galay Madax ka tirsan wasaaradda Waxbarashada, Maamulaha Dugsiga Marwo Khadra Jaamac Aadan, macallimiinta Dugsiga, Ehelada halgamaagii weynaa ee Sheekh Bashiir ee Dugsiga loogu magacdaray, Guddoomiyaha Ururka Samafalka ee SOSIDa Jamaal Cali Aadan, Walidiinta Ardayda iyo marti sharaf kale oo tiro badan, kuwaas oo dhamaan ardaydaas ka baxaysa Fasalada 8-aad ugu duceeyay in Illahay u fududeeyo Imtaxaankaas.

maanta1Maamulaha Iskuulka Sheekh Bashiir Marwo Khadra Jaamac Aadan oo ugu horayn halkaas ka hadashay ayaa sheegtay in Dugsiga Sheekh Bashiir uu yahay Digsiga inta badan ay ka baxday Madaxdeena oo uu yahay Iskuul Taariikh wayn leh, waxayna tidhi.

maanta 3“Dugsiga Sheekh Bashiir waa Iskuul Madaxdeena inta badan ay ka baxday, markaa Iskuulka Sheekh Bashiir waa Dugsiga ugu da’da wayn Iskuulada Magaaladda Hargeysa. Markaa waa Dugsi aynu odhan-karno waxa wuu leeyahay Tariikh aad iyo aad u qadiimiya oo wayn. markaa waxaan Ardaydan maanta ka baxaysa Fasalka 8-aad inaad halkaas ka siiwadaan wax baraashada oo ma dhamaato, waxaana idiin rajeenayaa khayr iyo guul inaad ka gadhaan Imtaxaanka.”

ardayda (1) ardaydaYuusuf Cabdicasiis Sheekh Bashiir oo ku hadlaayey Afka eheladii Sheekh Bashiir oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay tariikhdii Sheekh Bashiir, waxaanu yidhi, “Sheekh Bashiir waxa uu ahaa Awoow-gay Aabahay dhalay, markaa madaama aan ahay eheladii sharaf wayn ayay ii tahay inaan idinkala soo qayb-galo munaasibadan. Markaa waxa loo baahan yahay inaynu magaca wada ilaalino. Haddii aan in yar aan idinka taabto tariikhdisii, waxa uu ahaa Mujaahid, geesi iyo wadaad, markaa waxa uu ahaa Alle naxariistii ha ka warabiyee Nin Qaran oo Ummadda u dhex ah. waxaana aad idinku mahad naqayaa munaasibadan aad ku maamusteen haddii aad tihiin Ardayda dhigata Dugsigan Sheekh Bashiir ee Magaaladda Hargeys haddii ay garateen inad raadisaan caa’iladisii oo ay garan wayeen Ragg badan oo Masuuliyiin ah,”ayuu yidhi Yuusuf oo uu awood u ahaa sheikh Bashiir, waxaanu hadalkisii sii racaiyey, “Waxa uu Sheekh Bashiir ku dhashay Magaaladda Taleex, waxaanu ku dhintay 1945-kii Magaaladda Burco. Gumaysigii Ingiriiska ee Dalka haystay ayuu la galay dagaal  fool-kafool ah, markaa Magaalada Burco ayuu ku aasan yahay oo uu ku shahiiday.”

ardayda (1)Guddoomiyaha Ururka Samafalka ee Somaliland Sanitation Improvement Development ee SOSiDa Jamaal Cali Aadan oo isaguna ka qayb qaatay munaasibadan loo dhigaayey Ardayda ka baxaysay Fasalada Sideedaad oo minaasibadaasi ka hadlay, waxa ka mid ahaa hadaladisii “Anagu haddaanu nahay Ururka Sosida waxaanu u aas-aasnay sidii aanu u tusno inay Bulshada Reer Somaliland ay wax u wada qabsan lahay ee ay cid wax uga sugin iyo sidii aanu ugu guubaabino wax baraashada ayaanu mar walba ku dedaalna. Waxaana ardayda maanta ka baxaysa fasalada 8-aad ee Sheekh Bashiir inay aqoonta halkaas ka siiwadaan oo ay is ka ilaaliyaan waxyaabaha mukhadaraadka oo Caafimaadkooda iyo tacliintooda wax u dhimaysa.”

Somalilandpost.net/Hargeysa