Arday uu ka mid yahay Masuul Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo ka qalin-jebiyey Jaamacadda Kampala

Kampala (SLpost)- Arday reer Somaliland ah oo uu ku jiro Agaasime guud oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta ka qalin-jebiyey Jaamacadda Kampala University ee dalka Uganda, oo ay sannadihii u dambeeyey ka baranayeen culuun kala duwan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), ayaa ka mid ahaa Ardayda maanta ka qalin-jeibisay Jaamacadda Kampala ee waddanka Uganda oo ay waxbarasho kala duwan ku qaateen Arday badan oo u dhashay dalka Somaliland oo qayb ka ahaa Arday Kumannaan ah oo maanta Jaamacaddaasi u qabatay Xafladdda qalin-jebinta.

Qalin-jebinta Jaamacadda Kambala2Agaasime Maxamed Ilka-case oo Warbaahinta kula hadlay goobta Xafladda qalin-jebinta ee maanta Uganda loogu sameeyey, ayaa sheegay inay isaga iyo Ardayda kale ee reer Somaliland eek a tirsan Ardayda tirada badan ee Jaamacaddaas ka qalin-jebisay ay aad ugu faraxsan yihiin, isaga oo xusay inaanay waxbarashadu dhammaanin, isla markaana dadka reer Somaliland guud ahaan yar iyo wayn ugu baaqay inaan laga daalin waxbarashada ee lagu dedaalo.

“Dareenkaygu kolay waa mid farxadeed, Waxbarashaduna ma dhammaato, waxaanan hanbalyeynayaa Ardayda reer Somaliland ee iyaguna halkan ku qalin-jebiyey maanta Dhalinyarada iyo wayeelkaba waxaan leeyahay waxbarashada lagama daalo.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case).

Maxamed Ilka-case, waxa uu sawiray inuu yahay Aabbo reer Odaygiis ah, isla markaana uu yahay Masuul Qaran, isla markaana uu tusaale u yahay inaanay waxbarashadu mudnayn in laga daalo, waxaanu yidhi; “Waxaan ahay Aabbe, waxaan sidoo kale ahay Masuul markastana ma dhammaato Tacliintu ee waxaan leeyahay dadka reer Somaliland meelkasta oo aynu joogno aynu dedaalno oo yaynaan waxbarashada ka daalin.”

Ardayda reer Somaliland ee Jaamacadda Kampala ee dalka Uganda wax ka bartay waxaa ka mid ah Abwaan Sidiiq Maxamuud Gahayr, oo isaga iyo Agaasimaha guud-ba dhammaysteen Shahaadada Masters of International Relations and Diplomacy iyo Arday kale oo Wiilal iyo Gabdhaba isugu jira oo reer Somaliland iyo Soomaaliba ah, kuwaasoo bartay culuunta kala duwan ee ay Jaamacaddaasi bixiso oo Caafimaadku ka mid yahay.

Waxay Ardayda kala duwan ee Jaamacaddaas ka qalin-jebiyey, gaar ahaan kuwa reer Somaliland iyo waliba Ardayda Soomaalida ah ee ka tegay gobollada Bariga, Koonfurta iyo Badhtamaha waddanka Soomaaliya, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin waxbarashada ay Jaamacaddaas ku qaateen, iyaga oo intaa ku daray inay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qaban doonaan aqoonta ay halkaas muddada sannadaha ah ku soo baranayeen.

Agaasimaha Kalluumaysiga Somaliland iyo xubno kale oo Ardayda ka tirsan ayaan iyagu dalkaas joogin inta badan muddadii waxbarashadu u socotay, hase-yeeshee, waxay kaga qayb-qaadan jireen ama wax ku baran jireen qaab online ah, halka ay inta badan Ardayda qalin-jebisay sannadihii waxbarashadooda ku sugnaayeen Jaamacaddaas.