Ouagadougou, Burkina Faso (SLpost)– Laba arday oo qaarada Afrika u dhashay ayaa ku guulaystay abaalmarin gaadhaysa $ 25 kun dollar, ka dib markii ay hindiseen saabuun loo adeegsado la dagaalanka kaneecada oo dhir laga sameeyey.
Machadka Caalamiga ah ee GSVC oo abaalmarino ku gudoonsiiya ardayda Hindista wax cusub iyo ganacsatada horumar muuqda sameeya, ayaa Moctar Dembélé oo dalka Burkina Faso u dhashay iyo Gérard Niyondiko oo Burundi ka soo jeeda u aqoonsatay labadii arday Africa ugu horeeyey ee abaalmarintan ku guulaysta.
Labadan arday ayaa dhigta machadka biyaha iyo deegaanka ee caasimada Burkino Faso, ee Ouagadougou, waxaana sabaabunta ay hindiseen loo bixiyey magaca saabuunta Faso. (Faso soap).
“Saabuuntan ayaa bilowga laga heli doonaa caasimada, ka dibna loo qeybin doonaa ururada maxaliga,” ayuu yidhi Gerard Niyondiko, khabiirka saabuuntan oo badi isku darkeedu sir yahay.
“Waxaan doonaynaa hab fudud, sababtoo ah qof walba wuu adeegsadaa saabuun, xitaa deegaamada faqiirka ah,” ayuu yidhi Moktar Dembélé, agaasimaha Faso soap.
Xannuunka Kaneecada laga Qaado ee DUUMADA, ayaa Halis Weyn ku haysa Qaarada Afrika, iyada oo ugu yaraan sannad walba cudurkaas laga helo dad tiradoodu gaadhayso 300 milyan oo qof.
SOMALILANDPOST