Arday Ku Dhintay Jaamacadda Nairobi, Ka Dib Qarax Koronto Oo Ula Ekaaday Weerar, Kasoo Sababay Inay Daaqadaha Ka Daataan,

Nairobi, (SLP)- Ardayda qaar oo diday ayaa la sheegay in ay ka soo boodeen daaqadaha dabaqa shanaad kuwaasoo isku dayay in ay naftooda badbaadiyaan, kuwasoo qaraxa ka dhashay koronta u qaatay inuu ahaa weerar.

Ardaydan ayaa wax ka barata Jaamacadda Nairobi faraceeda Kikuyu.

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray in dhaawaca ardayda qaar uu yahay mid halis ah.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa weerar ay ku qaaday jamacadda magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari ku dishay 148 oo arday u badnaa.

Somalilandpost

Wararka Afrika