Arday deeq waxbarasho loogu diray Jaamacad ku taal Malaysia oo maanta dalka ka amba-baxay

Hargeysa, 22 February, 2012 (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaarada Waxbarashada Khadar Axmed Diiriye oo uu weheliyo Agaasimaha Fulinta Xidhiidhka Jaaliyadaha ee Wasaarada Arrimaha Dibada C.Casiis Axmed Muuse ayaa Maanta sii Sagootiyay Lix arday oo deeq waxbarasho ka helay Jaamacada Al-Bukhaari ee dalka Maleesiya

Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaarada Waxbarashada iyo Agaasimaha Fulinta Xidhiidhka Jaaliyadaha ee Wasaarada Arrimaha Dibada oo warbaahinta kula hadlayay xarunta wasaarada waxbarashada ayaa agaasimaha guud ee Tacliinta sare waxa uu sheegay in Lixdan arday oo isugu jira 3 Wiil iyo 3 Gabdhood ay ka mid yihiin Shan iyo Toban arday oo deeq waxbarasho ka helay Jaamacada Al Bukhaari ee dalka Maleesiya isagoo intaas ku daray in ardayda soo hadhay ay dhawaan iyana bixi doonaan.

Sidoo kale Agaasimaha Fulinta Xidhiidhka Jaaliyadaha ee Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa dhiniciisa ka cadeeyay in dhamaanba ardaydani ay ku baxeen baasaboorka Somaliland isla markaana marka ay ka degaan Magaalo Madaxda Maleesiya ee Kuwala Laanbuur loo qaabili doono si la mid ah kuwa ka yimid dalalka kale .

Mas’uuliyiintani waxay kula dardaarmeen in ardaydani ay ka soo faa’iidaystaan fursadan waxbarasho isla markaana aqoonta ay soo kasbadaan ay kula soo noqdaan dalkooda hooyo.

Yaasiin Yuusuf Magan oo ku hadlayay afka ardayda deeqdan waxbarasho ka helay jaamacada Al bukhaari ee wadanka maleesiya ayaa u mahadceliyay xukuumada Somaliland oo xil weyn iska saartay sidii ay ugu rumoobi lahayd fursadani.

SOMALILNDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net