GARASHADA DAACADNIMADA, CAQLIGOO SHAQEEYA IYO FIKIRKA TOLMOON WAXAY HORSEEDAAN HORUMAR BULSHEED

Alle (SWT) waxa uu ku abuuray arladan korkeeda Bina’aadam uu kaga soocay noolaha (Makhluuqaadka) kale caqli iyo fikirka, waxaannu u fududeeyey khayraad kala duwan si u maankiisa ula kaashado khayraadkana uga faa’iidaysto, kalana soo baxo dhulka guudkiisa.

Caqaligan iyo fikirkan uu alle ku manaysatay waxa uu ku ogaaday kartidiisa , hibbooyinka, qiimaha iyo karamada uu alle siiyey Bina’aadamka, halkaas ayaa uu ka bilaabay in uu u dagaallamo oo uu ilaaliyo karamda iyo sharftaa uu Alle siiyey. Waxa uu xaqiiqsaday in ay sharafta iyo karmadu tahay jirtankiisa iyo qimihiisa, waayitaankeeduna waxa meesha ka baxaya dadnimada uu duur-joogta kaga soocan yahay .

Karamadu ma qaybsanto, waxa uu Bani’aadamku raadinayay ilaa jiritaankiisa amma abuuritaankiisii, sababteeda iyo garashadeeda ayaa ummaddo badan ku horumareen, halka kuwo kalena ku dumeen garwaaqsasho la’aanteeda. Kutubta taariikhdu ku qoran tahay amma dadka wax ka qoray geesiyaal badan oo u dagaalamay karaamadooda iyo sharaftooda, nafahahoodana u huray si ay dulmiga iyo tacadiga iskaga dul qadaan waxay ku tusaysa dadnimo iyo karaamadooda soo noqoshadeeda ay u dagaalameen.

Bulshooyinka waxa xuquuqdooda, xorriyadooda, is-jacaylkooda, is-dhexgalkooda iyo iskaashigooda baabiiya shakhsiyo danno gaar ah leh oo taladu gacanta u gasho, hoggaankana u qabta, kadibna loolan u gala amma isku qabsada talada, kadibna mid kasta wuxuu dedaal u gelaa inuu ka faa’iidaysto dadka aan hamigoodu ku dhisnayn karaamo iyo shakhsiyad adag oo quluubtoodu daciifka tahay. Waxa ay u adeegsadaan hurinta is-maandhaafyada ay dantoodu ku jirto si ay u adkaato in la dhiso bulsho caqliga ka nool, xoogana ka shaqaysa.

Raadadka ay arrintan ka tagto waxa ay noqotaa in bulsho isku dhaqan ah, dan wadaaga si dhib yar look ala daadiyo, laga dhex abuuro colaad iyo kala go’. Darriiqa kaliya ee lagaga baxayaana waa caqliga iyo fikirka tolmoon ama togan oo sidiisa loo adeegsado amma ka shaqeeya sidii loogu noolaan lahaa nabad, caddaalad, kala dambayn iyo dejinta qawaaniin/shuruuc kala hagta bulshada oo la isku ixtiraamo ka dambiila ah lagu ciqaabo, ka madluubka ah amma dhibbanaha ahna loogu hiiliyo.

Adeegsiga Caqliga, fikirka togan, daacadnimada iyo shakhsyad karaamo leh oo bulshada loogu shaqeeyo waxa ay horseeda ummad horumar ku dhisan, mabda’ leh, dammaanad qaadaysa qiimaha iyo karaamadeeda, yaraynaysana, xad-gudubyada iyo khilafaadka (conflicts).

 

Qofba wuxuu ku dagan

Halkuu daacad kaga hadho!

Eray-suugaaneedkan waxa uu Hadraawi kaga turjumayaa qiimha daacadnimadu u leedahay nolosha Aadamaha.

W/Q: Ibtisam Mustafe Garaw

Email: Aragsan0780@gmail.com