Aragtiyaha Dhaqaale iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed

 

Aragtiyuhu waa gumaro qaran hantiyo noloshiisa oo dhan ta ugu weyn, haddii qarankaasi yahay mid curdin ah (sida Soomaalilaand). Isla sidoo kale waa hadyadaha ugu weyn uguna qiimo iyo qaayo badan

ee fac kasta uu ka dhaxlo facii isaga ka horreeyay.

“Hadba kooda sarakaca/waxa sahayda uga taga/kii horee sagootiyey” Xasan Ganay.

 

 

Dhinaca kale marka aynu ka eegno hantida macnawiga ah (ashyaada), daahfuridda sayniska, abuuritaan warshadeed, iyo wixii la hal maala dhammaantood muhiimaddoodu aad bay uga hoosaysaa marka lagu dhereriyo Aragtiyaha. Dhawridda ama illaalinta arrimahaasina sidoo kale wax ay ku xidhan tahay ama ku tiirsan tahay Aragtiyaha. Haddii hanti qarameed ka dal ay burburto waxa suurtagal ah in si dhakhso ah sidoodii ama halkoodii dib loogu soo celiyo, waa se marka qarankaasi xafiday/dhawray hanti maskaxeedkooda (sida Jarmal iyo Jabaan). Hase ahaatee, haddii hanti maskaxeedku maax-dumaan oo ay qaranka u soo hadho hantida macnawiga ah, hantidaasi si dhakhso ah ayay u gudhaa, qarankaasna waxaa ku habsada faqri iyo gaajo. Dhammaan guulaha sayniseed ee hore qaran u sameeyay waa qaar dib loo yagleeli karo, loona suuro galin karo haddii aanay lumin ama aanay dayacmin hab fekerkiisu. Halka haddii ay lunto hab fekerkiisa waxsoosaareed uu si dhakhsaa u qoomameeyo, waayana daahfuridda iyo ikhtiraaqyadiisii. Sidaa darteed ugu horreyn waa mid lagama maarmaan ah daryeelidda aragtiyahu. Ku dhisnaanta aragtiyaha oo loo eegayo hab fekerka waxsoosaareed waxa la helayaa hantida ashyaada ah, ku guulaysashada daahfur sayniseed, halabuurro warshadeed iyo wixii la hal maala.

 

 

Maxaynnu uga jeednaa Aragtiyaha? Waa jiritaanka ummadda gudahooda ama dhexdooda ay ka jirto geeddi-socodka ay uga fikiraan arrimaha noloshooda la xidhiidha iyaga oo aan cidna u daba fadhiisanayn, sida in inta ugu badan ee shaksiyaadka ummaddaasi ay isticmaalaan ama adeegsadaan Macluumaadka iyo xogaha ay haystaan markii ay soo wajahaan dhacdooyinku, si ay u kala xukumaan una kalasaraan. (Qoraalkan waxa lagu daabacay Weedhsan.com) Taas macneheedu waa in ay leeyihiin fikrado, kuna dadaalaan sidii ay ugu isticmaali lahaayeen nolosha, iyaga oo si joogto ah oo guul leh u isticmaalaya fikradahaasi.

 

 

Qormadan waxaynnu ku milicsan doonnaa suugaanta halabuurka Soomaaliyeed iyo aragtiyaha dhaqaale. Wakhtiga ayaan inoo saamaxayn inaynnu midmid isku dul taagno oo u sharraxno, sidaa darteed, waxaan halkan idinkula wadaagaya tuducyada maansada iyo sida ay u waafaqsan yihiin aragtiyaha dhaqaale.

 

Kharashka Habboon

Dahab iyo xariir saaran 

Uma baahna saantaadu 

hadda silis ha xidhan maaha 

Luquntana ha sudhin mahaa 

Waxan uga socdaa heedhe 

Marka aad sunuud hayso 

Waxa suuq mug weyn yaalla 

Ha la simin kitaab weeye, 

 

Hurdo iyo Sahraay jiifka 

Marka hore sariir raadi 

Salli iyo furaash dayday 

Saddexdaba hadaad weydo 

Lama seexan kari waayo 

Hadda saantu qodox maaha 

Suubaantu gogol weeye, 

 

Dharku Saadhi qudha maaha 

Saylooni garan maaha 

Iyo sabarandaa giiran 

Mana aha surwaal biid ah 

Haddaan saarku kuu diidin 

Saddexqayddu ceeb maaha.

 

Adeegsiga suubban

Dhadhan iyo sibraar kayda 

Sidig caanaheedaa leh 

Badar iy sarreen shiidan 

Iyo sixin ku iidaaman 

Wax la cuno sabiib baa ah 

Nin samaystay baa faan leh 

Waxaad haysataa saasa ah 

Ka sokow intaan sheegay 

Hadda soortu dacar maaha.

 

Sinnaan la’aan Dakhli (Income Inequality)

Nin bursaday hadduu jiro

Nin wax belay baa nool

Nin badsaday hadduu jiro

Ka la boobay baa qaday(Badbaado)

 

Maamul-xumo Dhaqaale iyo Musuqmaasuq

Laba boqol nin maaliyaddu tahay tirada loo dhiibay

Oon tacabbo baadiye lahayn tuludi waa maale

Oo toban baloodh jeexday oo tumanayoo keefa

Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye

Tu kaloo ka daran baa jirtee taana bal  aan sheego.

Eexdiyo rishwadu waxay dhalaan uur-xumiyo ciile

Aanadu cadliga laga tegay aabbaheed tahaye

Aargoosigiisiyo dulmigu waa isu adeere

Marka xaqa la awdaa tolnimo loo abtiriyaaye

Ammaanaa yaraatoo dadkii ways ogaal dhacaye

Nin waliba halkii lagu ogaa gurey intii tiille

Ashahaado beeniyo ribey ku istareexeene

Acmaal lama rabee hadal-tiray ku ibtiloobeene

Ilaah lagama baqo shilinka oo la arko mooyaane

Axad gaabsha lama caawiniyo kii itaal darane

Nin adduun hayaa kii kaluu alamsanaayaaye

Waa lays inkirayaa sidii maalintii Urure………

 

Taangiga Biyaha loo dhisiyo iyo Riigga lagu taagey

Oo shicibka oo oon latuban Toonta lagu beero

Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

 

Danta togan batroolkeenna waa laga tashiilaaye

Todoba mayl nin jira oo bukaan talalayoo liita

Oo inuu Xakiimka u tagiyo taakulo u baahan

Inkastuu tawaawaco ninkii khabarka soo tuuray

Misna temeshlihiyo xaafaddaa lagu tegaayaaye.

Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

 

Ninkii raasamaaliyo Istaaf waa isugu taale

Iyagaysku tiirsane cidkale uma tagaabane

Teelona uma dhigtaan dawlad iyo kii ka taagdarane

Ninkaan tooda waafiqin Xabsi bay ugu tabaystaane

Taqyiirteenna maaliyadda iyo tawsta bixi weydey

Waa labada qolo oo lategey waxaydun tawdeene.

Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.

 

Iimaan-yoognimada Adduunka 

dabashada atoorkiyo 

qalashada ugaybkiyo 

ummulraaca maqashiyo 

waxa dheri olkomayaa 

waa abaydinkeedii 

lagu cunay amaahdoo…

 

Basanbaaska iyo Nabaadguurka

waxa damal abguuree 

la engegey harraadkee 

berkaduhu asqeeyeen 

waxa lebi agoonee 

ehelkiyo bahdiisii 

olligii ku xeerraa 

laga guray unuunkee 

cidla keli ku awdalan 

Noloshu waa ayaanba ayaan qadoodi iyo dheregba leh, waa beer sugid iyo dulqaad u baahan, waana hanti ay tahay in la kala kaydsado lana dhaqaaleeyo ee aanay ahayn in lagu bahaloobo, oo sidii raq dugaag helay goob keliya iyo goor keliya laga dhigin.

Ha amaahan teedoo 

oogadeeda waxa yaal 

ha ku urursan boobkee 

oggolaansho weydii 

asturkeeda mooyee 

yaan ayaanku kaa noqon 

furashada abguurka ah 

in ka gooso mooyee 

ha ku agagas dheeraan 

ashkir weeye qurux badan 

inannimo carteediyo 

ugubkay ku tahay shay 

araggay ku wacan tahay 

afka laguma gaacshee 

indhahana wax kaga guro 

wuxu waa adduunyoo 

lama sudho agtaadee 

waa la aakhireeyaa. – Abwaan Hadraawi (Afkusiran)

 

Qanacsanaanta iyo Farxadda (Happiness and Satisfaction)

Kulligood addoomaha rabboow qaybsha kibistiiye

Qof kastoo kabtiya ama kallaha ama kur dheer fuula

Bad kalluun ku jirra kollay ku tahay amase koob shaah ah

Ninba kadabkii loo qoray Illaah wuu la kulansiine

Inaan ruuxna soo korodhsanayn kaa ha la ogaado – Abwaan Ismaaciil Mire

 

Qoolka Saboolnimada

Saboolnnimadu waxa ay la xidhiidhaa horumarka hooseeya ee raasammaalka dadka iyo kheyraadka dabiiciga ah. Horumarinta kheyraadka dabiiciga ah waxa ay ku tiirsan tahay awoodda waxsoosaar. ee dal dadkiisu ay leeyihiin. Haddii bulshadu tahay dib u socod oo aanay lahayn xirfado, farsamooyin muhindisnnimo, aqoon iyo dhaqdhaqaaq halabuurnnimo, kheyraadka dabiiciga ahi waxa ay ahaan doonaan qaar si habboon aan looga faa’iidaysan ama si khaldan loo isticmaalo.

 

 

Horumarka hooseeya ee raasammaalka dadku waa caqabadaha ugu mudan ee hor taagan horumarka dhaqaalaha ee waddankeenna. Haddii dadkeennu aanay lahayn xirfadaha iyo aqoonta muhiimka u ah horumarinta dhaqaalaha ee heer walba, raasammaalka dadka ee horumarkoodu hooseeyo waxay masuul ka noqonayaan in waxsoosaarka shaqaaluhu hooseeyo. Xaddidnaanta takhasusyada gaar ahaaaneed iyo caadooyinka iyo dhaqammada aan wanaagsanayn ee qaybaha bulshadu waxa ay yareeyaan waxyaabaha dhiirrigaliya guusha iyo horumarka dhaqaale.

 

 

Halabuurka suugaanta Soomaaliyeed iyo indheergaradka ummaddu arrintan marnaba iskamay indho tirin, waxaanay si xeel fogaan leh ugu nuuxnuuxsadeen sababaha keena qoolka saboolnnimda iyo siyaabaha looga bixi karo. Abwaan Cabdi Iidaan Faarax waxa uu ka mid yahay fogaan-aragga arrintaas ka hadlay. Mar uu ka hadlayay sababaha keena iyo sida looga bixi karo qoolka ama giraanta saboolnnimada, ayaa isaga oo qaab su’aaleed u dhigaya waxa uu weyddiiyay madaxdii berigaa dalka xukumaysay. Horreyso iyo danbaysa ba lama hayo wali cid si ficil ah uga jawaabtay weyddiintaas, ilaa iyo inta laga war celinayo, lana fara galinayo arrintaa abwaanku ka hadlay muddo haatan laga joogo (ku dhowaad afartan sano), wuu jirayaa faqrigu. Qoolka saboolnnimaduna waxa uu noqonayaa mid facba, faca ka danbeeya u gudbiyo.

 

 

 “Biyaha tacab qasaarka u lumiyo, wabi taraar dhaafay

Ilaha dahabku wada tuullanyiyo, talaxa baatroolka

Toddobaatan jaad oo macdana, oon ninnaba taaban

Tacliin iyo farsameyga dhiman, lagaga tuujaaye

Dadkuna baylahdaa wuxu u tirin, nimay ku taallaaye

Tag xumaanta gaajadu waxay, nooga tagi weydey”– Cabdi Iidaan

 

Sababaha Fakhriga ama Saboolnimada

Fakhriga aabihiis waa fadhiye aad u camal yeesha

Adigoon indho la’ayn wakhtiga meel ha ku idlaynin

Ergo dira dhulkoo idil marto oo aftiyo liisanleh – Abwaan Afqallooc(Dardaaran)

 

Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku an banaysaane

Axmaqnimo wakhtiga kaaga tagay oohin kugu reebye

Ayaantii ku dhaaftana waa waxaan la eegayne

Axadkii kaslaan ahi sabool abidkii weeyaane – Abwaan Afqallooc

Haddii maanku gaajaysan yahay oo ay yar tahay aqoonta loo leeyahay ama xogta laga haysto deegaanka sida kheyraadka dabeeciga ah, farsamooyinka waxsoosaar ee suurta galka ah. Xirfadaha lagama maarmaanka ah, xaaladaha iyo furaska ka jira suuqa, guusha iyo tayada dhaqaale ee dadweynuhu wax ay ahaan doontaa weli mid hoosaysa.

“Kol haddaan garaad lagala hadhin, galabba sheeggeeda

Inta maanku gaajaysan yahay, guuli waa weli!”­­– Abwaan Hadraawi

 

Shaqada iyo Shaqo-la’aanta

Nimaan dhididin ma dhargo,

Nimaan shaqaysan shah waa ka xaaraan

Tabcadaa ma tuugsado

 

Aqoonta iyo Hantida

Adduun iyo cilmaa qaaliyee urursha maalkiina

Istiraaga oo xoolo badan seeska ku adkeeya – Abwaan Afqallooc (Dardaaran)

 

“Maalkaagu yuu yuu noqon

Musdanbeedka reerkiyo

Makhsinkaad u hoyatiyo

Masallaha rasuulkiyo

Ku masaajid lagu gubo”.– Ibraahin Gadhle (Mullaaxo)

 

Waxsoosaarka Beeraha

“Wax beerta aan barwaaqo gaadhnnee”

 

“Haddaan sarucu taam noqon ummadi ta akhur weeyaan

Waxbona kuuma taro raashin aad debed ka tuug taaye”– Tabaalaha Wakhtiga, 1966.

 

“Waxaad geliso ciiddaa dhulkana, kaaga soo go’a’e

Hadba geedki aad beerataad, goosataa abide

Girirstaad afaysaana marbaad, Gool ku qalataaye

Guuyona waxaad dhaqato baa, goonni kuu noqone

Gogashaana middaad seexataad gam’ ka doontaaye

Waxaad galabsatabaad ifkana gaar u heleysaaye

Gafna waxaad sameysaa qabriga kuugu soogeli.” – Abwaan Faarax Cawil

 

Tacab iyo Iskaashi

Soomaalidii hore waxay si layaableh u yaqaaneen ahmiyadda ay leeyihiin wax-wadaqabsiga, iskaashiga, qaybinta shaqada iyo takhasuska gaar ahaaneed. Tusaale ahaan bal u fiirso tuducyadan hoos ku qoran.

 

“Aboorkuba allay kuu dhisaa, aqallo waaweyne

Markuu ururo daartuu abyaa la ashqaraaraaye

Ilkuhu wada jirkooday hilbaha adag ku gooyaane

Haddii iniba meel taagan tahay adhax ma feenteene

Itifaaq la~aan laguma helo lib iyo iimaane.”– Afqallooc.

 

“Tabantaabaday laba gacmood, tamar ku yeeshaane

Tiska waxa laqaadaa markey, tiirisaa bidixe

Hadday midigtu keli taagan tahay, tahar ma goyseene”– Cabdillaahi Muuse Jiir.

 

“Haddan Turuqyadiiniyo gacmaha, la isku taageerin

Tub-caleen leh reer kuma furtaan, tagine maysaane

Tafaraaruq nimankii noqdaan, tooda bogoneyne” Cabdi Iidaan

 

“Gacmihii is wada kaashada shayna ku adkaane

Caqligii is wada biirsada ceel biyayn karaye”– Timacadde.

 

“Rag tashaday dhul waa toli karaan taako labadeede”– Abwaanka lama yaqaan!

 

Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide

Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede

Nin uun baa guddoonsha’e xil waa, laysu gororshaaye

Galladduna waxay saaran tahay, wax isu geygeyne

Inkastuu wax galo ama wax gudo, ama wax weyn gooyo

Inkastuu galool mudhay ka yahay, dhiraha gaagaaban

Hadduu geel abuuriyo hadduu, gaas cartama beero

Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye

Noloshana galgalaheeda iyo, gebi ahaanteeda

Waxaan geesi karin baa jiroon, gaar ninawfaline,”– Hadraawi.

 

Dhanka heesaha arrintan ka hadlaya waxaynu ka soo qaadan karnaa heestan ay qaadijirtey Daleys:

“Midigtuba miciin maleh

Hadday bidixdu maqan tahay

Waa laba mataano ah

Hawsha maamulaayee

Muruqiinna maaloo 

Dhulka midho ku beeroo 

Macdanta iyo dahabka 

Muujiya wanaagga”

Dhanka maahmaahda iyo Murtida haddii aan jalleecno, soomaalidu waxay tidhaahdaa: Gacmo wada jir bay wax ku gooyaan iyo Far kali ah fool ma dhaqdo.

Axmed Cabdillaahi Cumar “Diini”

BBA in Economics

Muqdisho, Soomaaliya

Email: diini129@gmail.com