Aragtidii Hoggaamiye Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliya iyo mowduucyo kale oo xiiso leh

cigaalQalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.comQormada: 1aad

12 sannadood ayaa ka soo wareegtay markii la soo gebagebeeyay aaskii, baroor-diiqdii iyo tacsidii Hoggaamiyihii, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo 3/5/2002dii ku geeriyooday cisbitaal ku yaal magaalada Pretoria ee dalka South Africa. Marxuum Cigaal 6/5/2002dii ayaa si aad u sarreysa oo heer Qaran ah loogu aasay magaalada Berbera iyada oo la raacayo dardaarankiisii ahaa in aabbihii oo Berbera ku aasan, xabaashiisana laga ag qodo oo isagana lagu duugo. Naxariistii Janno Alla ha siiyo, innagana dhammaanteen samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Dhammaanteen marka aan leeyahay waxa aan uga jeedaa gaar ahaan Somaliland, guud ahaanna dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Waayo? Cigaal ma ahayn oo keliya hoggaamiyaha Somaliland bal se sida ka muuqatay tacsidiisii iyo baroor-diiqdiiba wuxu ahaa hoggaamiye Soomaaliyeed, halyey Geeskan Afrika u dhashay, hoggaamiye qaaraddan Afrikan ka dhashay. Geeridii Cigaal iyada oo naxdinteeda lahayd, haddana waxaanu shaki ku jirin in ay milge iyo maamuus aan hore loo ogeyn u yeelatay Cigaal iyo shacbiga Somalilandba. Gude iyo dibadba waxa ka curtay dareen ididiilo leh oo dadkii isu soo dhaweeyay.

Ma hawl yara sida Cigaal wax looga qoraa. Haddii aad damacdo in aad Cigaal wax ka qorto waa in aad u badheedhaa konton sannadood iyo waxyaabihii ka dhacayay saaxadda siyaasadeed ee Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna ta Somaliland. Intaas oo keliya ma aha e’, waa in aad u tafo-xaydataa wax-ka-qoridda shakhsiyaddii ballaadhnayd ee Cigaal oo mar walba ku lammaanayd. Waa hawl mudan baadhis iyo xog-urursi qoto dheer. Anna maanta taa, uma soo ambo-bixin.

Waxa aan jeclahay maqaalkan in aan si sar-ka-xaadis ah wax uga taataabto aragtidii Cigaal ee ku wajahnayd Qalalaasha Soomaaliya iyo mowduucyo kale oo aad xiisayn kartaanba. Maqaalkan waxa aan baroor-diiq, xus iyo maamuusba uga dhigayaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo suulkiisii iyo saxeexiisiiba kaga tegay saaxadda siyaasadeed ee Soomaaliyeed, Geeska Afrika iyo guud ahaanba qaaradda Afrika.

Waxa kale oo aan si kooban oo guud-mar ah u dul cararai doonaa aragtiyihii kala duwanaa ee Hooggaamiye Cigaal ka lahaa qaybo badan oo saameeya wejiyada badan ee waayaha Soomaaliyeed iyo Somalilandba.

Maqaalkan, qaybtiisa danbe waxa kale oo aan si guud-mar ah ugu qiimayn doonaa sidii Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, loogaga baroor-diiqay geeridii Cigaal. Waxa aan ku yar hakan doonaa dhacdadii Hotel Shaamow oo Muqdisho ku yaal, halkaas oo 8/5/2002da tacsi loogu sameeyay geeridii Hoggaamiye, Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.

Cigaal, naxariistii Janno Alle ha siiyo e’ isku da’ ma aanu ahayn. Maqal ka sokow waxa aan bartay oo gacan-qaadkiisa iigu horreysay 19kii Meey 1991kii. Buurta Sheekh ayaanu gelin danbe laba Land-cruiser oo aanu kala wadannay isu joojinnay. Anigu xagga Berbera ayaan ka imid, is-na xagga Burco ayuu ka yimid oo uu ka socday Kal-fadhigii 2aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM oo lagu go’aansaday la-soo-noqoshadii madaxbannaanidii Somaliland iyada oo dalka lagu celiyay xaaladdii sharciyeed ee 26kii Juun 1960kii. Galabtaa isaga, dirawalkii baabuurka u waday iyo Ciise Curaagte ayay ahaayeen. Labadayaduba baabuurtii ayaanu ka degnay oo dhinaca jarka ayaanu is-taagnay oo isku gacan-qaadnay cabbaarna ku sheekaysannay. Aniga oo ka yaabban timihiisii madoobaa, sida uu iiga weynaa iyo cirrada igu taallay ayaan si kaftan ah ugu idhi:

 “Oo weli timahaagu waa madow e’.” Inta uu ilko-caddeeyay oo madaxa ii salaaxay ayuu igu yidhi: “Jihaadka ayaa idin caddeeyay.” Waxa ay ahayd markii iigu horreysay ee aan noloshayda gacan-qaado lana sheekaysto.

Intii danbe Boorame ayaan kula kulmi jiray oo muddo bilo ah uu ka socday Shirweynihii 1aad ee Guurtidu oo Cigaal loogu doortay Madaxweyne, Meey 1993kii. In badan ayaanu halkaa ku kulannay oo ku sheekaysannay, bal se aan u gudbo dhacdada aan u socday oo ah mar aanu Addis Ababa wada tagnay bishii Maarj 1993kii.

Maarj 1993kii waxa magaalada Addis-Ababa lagu qabtay wareeggii 2aad ee shirar ku suntanaa Dibuheshiisiinta Soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabiyeen Qarammada Midoobay oo beryahaa Xoghaye Guud uu ka ahaa Butrus Qaali oo ku dhex ambaday Qalalaasaha Soomaaliyeed, raad-gadka loo maareyn la’ yahayna kaga tegay.  Wareeggii 1aad waxa la qabtay bishii Jeeniweri 1993kii waxaana ka soo qayb galay Butrus Qaali iyo wefdi uu hoggaaminayay, si aan mugdi ku jirinna waxa u muuqatay sida aan qarsoodiga ahayn ee Butrus Qaali u af-duubayay qadiyadda Soomaaliyeed. Shirarkaa waxa isugu iman jiray Ururrada Siyaasadeed ee Soomaaliya, ururka SNM-na waxa uu u tegi jiray goob-jooge ahaan. Labadaa shirba waan ka qayb galay.

In yar haddii aynu dib u noqonno, 1991kii markii Somaliland lagu dhawaaqay Cigaal mar ayuu soo gaadhay Burco oo lagu shirsanaa. Isla sannadkaa, Jabuuti waxa uu kaga qayb-galay laba shir oo ahaa dibuheshiisiin Soomaaliyeed oo go’aammadii ugu mudnaa ee ka soo baxay aynu ka xusi karno:

  • Dastuurkii 1961kii oo lagu dhaqmo,
  • Cali-mahdi oo loo doortay Madaxweyne ku-meel-gaadh ah,

Cigaal shirarkaa ka dib waxa uu ku noqday dalkaa Imaaraadka Carabta oo uu deggenaa, wax hawl siyaasadeed ahna kuma uu lug lahayn. Waxa kale oo jirtay in Cali-mahdi markii uu Muqdisho ku noqday uu dhisay dawlad uu Cumar Carte Qaalib ka noqday Ra’iisal-wasaare, kaas oo Golihiisii Wasiirrada ku soo daray Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Xukuumaddaa Cigaal kama uu qayb gelin.

Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, waxa uu yimid Somaliland 1993kii markii uu Shirweynihii Guurtidu ka socday magaalada Boorame, halkaas oo uu mar kale ka bilaabay hawlihiisii siyaasadeed ilaa 3/5/2002da oo uu ku geeriyooday magaalada Pretoria ee dalkaa Koonfur Afrika.

(La soco……)