Aragtidii Hoggaamiye Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliya iyo mowduucyo kale oo xiiso leh (5aad) – Boobe Y. Ducaale

Maxamed X. I. Cigaal
Maxamed X. I. Cigaal

Bal aynu in yar dib ugu noqonno lixdankii oo ay xummaddii Midnimadii Soomaaliyeed heerkeedii ugu sarreeyay taagnayd. Midnimadu beryahaa hadaaq iyo halhaysba waa ay noqotay. Xuduud ma ay lahayn. Waxa laga hadli jiray beryahaa Shanta Soomaaliyeed oo kala ahaa: Somaliland, Soomaaliya, Xeebtii Soomaaliyeed ee Faransiisku gumeysan jiray (Jabuutida maanta), N.F.D iyo Soomaalidii Galbeed (Kililka 5aad ee maanta). Midnimada Soomaaliyeed iyo Soomaali-weynba waa la odhan jiray. Waxa ay ahayd riyo la jeclaa in ay rumowdo. Waa loo hawl-galay, suugaan badanna waa laga tiriyay.

Iyada oo aragtidaa la wada rumeysnaa laga dhaqaaqayo, 26kii Juun ee 1960kii waxa xoroobay Somaliland, afar maalmood ka dibna oo ku beegnayd 1dii Juulay 1960kiina waxa xorowday Soomaaliya, is-la maalintaana waxa la xaqiijiyay oo la dhaqan geliyay is-raacii labadii dal ee xornimada qaatay. Sababta is-raacaa ama isku-darkaa loo hirgeliyay waxa ay ahayd iyada oo la daba-socday xaqiijintii Soomaali-weyn ama mideyntii shantii dal ee Soomaaliyeed. Maalmaha cidina is-raacaa qalad uma arkayn oo waa la aamminsanaa, mar danbe ayaa la haaraamayaa. Cigaal wuxu ka mid ahaa hoggaamiyayaashii is-raacaa dhaqan geliyay raadintii gobolladii kalena u hawl galay.

Waxba ku noqon maayo wixii dhacay, waxa aan se jeclahay in aan halkan ku caddeeyo in aanu is-raacu hiifka iyo haaraanka geyin ee ay canaanta lahaayeen dadkii majaro-habaabiyay ee milgaheedii lumiyay. Bal hadda aynu ku yar nasanno Maansadii Timacadde ee Guubaabo ee uu tiriyay 1970kii, taas oo uu ku guud-marayay waxyaabihii dhacay:

Muddaba gabayga waa taan ka tegay, mahadhadiisiiye,

Mankii ararta iyo faalladii, wayska meel-dhigaye,

Ma muquunin maansooyinkaan, maakibayn jiraye,

Ma makeekiyee gabay markaan, aad u kala miidho,

Mayalkiisa goortaan qabteen, meydalka u fuulo,

Ama uu muuqdo weligiiba wuu, ii macaan yahaye,

An macneeyo caawana tixday, muhatay laabtaydu,

Muramii gumeysiga markii, la isku maan-dhaafay,

Magliyada markii laysla galay, labada meeloodba,

Muqdishiyo Hargeysaba markay, murugtayee reentay,

Maatida markay guranayeen, labadii maalooti,

Maandeeq markay foolatee, madasha loo joogay,

Mataanaha dharaartay dhashee, loo mashxaradaayay,

Kala meer intaan labada calan, miridh is-weydaarshay,

Rabbi mahad-niqiisii markaan, anigu miisaayay,

Muskii Baarlamaannada markaan, meel isugu geynay,

Madaxweynayaal iyo markii, Minister loo doortay,

Maskaxdii wacnayd iyo dadkii, meel u wada jeeday,

Nimankii melmelay waa kuwii, maalay keligoode,

Hadday maalintii na hor kacaan, midho ma weyneene,

Ma-naxaannadii baan arladan, meerisna u toline,

Marnaba yaydinaan dhicin kuwii, male ku soo goostay,

Miyigeenna nimankii mindida, meel walba u dhiibay,

Kuwii muusannow iyo tollaay, nagula meeraystay,

Nimankii mashaqadey dhigeen, reerba dhan u moosay,

Suntay nagu mudeen wiilashii, lays martiyi waayay,

Muraadkoodu nimankuu ahaa, moodhadhkiyo daarta,

Nimankii muggooduba ahaa, maalin la casuumo,

Muddaahanada beenta ah kuwii, nagu maqaar-saaray,

Mas waabaydii lama dhuunyadiyo, midho-dhunkaaleede,

Manfac aan la cunin baa jiroo, mawdka kuu sida e’,

Maraykan iyo waa kay baxshaan, madaxda Naato e’,

Nimankii mabda’a reer Galbeed, nagu maddiiddeeyay,

Haddii maamulkii hore dhintoo, maasuq lagu beeray,

Maantaba malkaa inagu qummane, yaan la gees marine,

Marka aanad hammoon noloshu waa, mooyi dabadeede,

Soomaaliyi ha midowdo wax badan oo ka hooseeyay ma jirin, cawaaqibkeediina waa aynu aragnay. Is-raacii berigaa la raadinayay ninka maanta doon-doonayaa waa qof riyoonaya. Waxyaabo badan ayaa is-beddelay oo aanan jeclayn in aan waqti iskaga lumiyo.

Maanta hadal-hayntu waxa ay taagan tahay labadii dal ee ku mideysnaa Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga ahayd ee Soomaaliyeed. Somaliland maa daama ay iskeed Soomaaliya u raacday, iskeed ayay 18kii Meey 1991kii ula soo noqotay madax-bannaanideedii. Waa xaq ay leedahay oo aanay cidina ka qaadi karin.

Sidii ay wax ahaan jireen ma ahaanayaan, mana aha oo waa ay caddahay. Cigaal waxa uu u arkayay maareynta Qalalaasaha Soomaaliyeed in laba loo kala qaado: Somaliland iyo Soomaaliya. Wuxu lahaa Somaliland wax baa ka dhismay e’, in arrinta Soomaaliya maaro loo helo, ka dibna iyaga oo laba dal oo xor ah oo jaar ah ay aayahooda ka wada tashadaan. Sidaa waa uu ku shaqeeyay oo cidna caad kama saarna.

Cigaal intii uu hayay hoggaanka Somaliland wax faro-gelin ah kuma yeelan Qalalaasaha ka taagan Soomaaliya oo kooxna gacan-saar lama lahayn, kooxna colaad gaar ah uma hayn. Soo-dhawayn iyo sooryaba waa uu u geystay intii Hargeysa ugu timid iyada oo aanay dad badani raalli ka ahayn. Cigaal kama aammusnayn masiibada Soomaaliya ka taagan e’ in badan ayuu ku dedaalay in uu ka hawl galo sidii maaro loogu heli lahaa. Dalalka aynu deriska nahay ee ku bahoobay IGAD oo arrinta Soomaaliya gacanta ku hayay af iyo qoraalba waa uu ku weydiistay haddii aan loo oggolayn in Somaliland xubin ka noqoto in loo oggolaado in ay talo-bixin ku yeelato maareynta masiibada Soomaaliya ka taagan. Wax qarsoodiya ma ahayn.

Maareynta Qalalaasaha Soomaaliya ka taagan Cigaal wuxu u arkayay in ay tahay arrin u taalla dadka Soomaaliyeed ee masiibadaasi haysato. Aragtidiisu waxay ahayd in xalku gudaha yaal ee aanu dibad ka iman. Wuxu u arkayay in ay dersaan oo ay wax ka qaataan waayo-aragnimada hodanka ah ee Somaliland. Wuxu heegan la ahaa hiil iyo hooba in ay maamulkiisa, Golayaasha Qaranka iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ka geysan doonaan.

Cigaal qorshihiisii ku beegnaa maareynta masiibada Soomaaliya waxa uu si cad u soo bandhigay shirkii Carta ka hor isaga oo si aan mugdi ku jirin ugu marti-qaaday Hargeysa dhinacyada Soomaaliya isku haya, oo weliba intaa raaciyay in uu diyaar u yahay ergooyin gaadhaya ilaa 500 oo qof oo inta ay hawlahooda dhammaysanayaan fadhiya, kharashkana ay Somaliland qabto. Wuxu deeqdaa ugu daray in aanay Somaliland ku masuugi doonin waayo-aragnimadeedii ee ay ergooyinka iyo dhinacyada is-haya ku soori doonto. Qorshahaasi markii danbe waa kii Jabuuti u wareegay sida la aamminsan yahay.

Cigaal iyo cid kasta oo si dhab ah oo mowduuciya u arkaysay waayaha Soomaaliyeed, midnimo ajendaha ugu ma jirin ugu mana jiri karayn. Waa wax aad u fog marka la eego xaaladda maanta taagan.

(La soco…………………………)