Aragtidii Hoggaamiye Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliya iyo mowduucyo kale oo xiiso leh (4aad) – Boobe Y. Ducaale

“Cadkii uu hadalkaasi damqi jiray waa uu naga go’ay.”

Maxamed X. I. Cigaal
Maxamed X. I. Cigaal

Waa halkii uu Cigaal ka taagnaa midnimada madhan ee ragga qaarkii halhayska u noqotay. Waxa uu maalintaa Cigaal hadalkiisii ku daray in uu niman halkan fadhiya la soo qaaday hadal ah in halkan lagaga hadlo arrinta Soomaaliya oo aan ta Somaliland lagu soo darin oo ay ku gacan-saydheen; iyaga oo uu ku sheegay in iyaga oo todoba boqol oo kun oo qof Xamar ku dilay ay maanta halkan kaga doodayaan in ay aayaha Soomaaliyeed ka talinayaan.

Isaga oo hadalkiisii sii wata, Cigaal waxa uu yidhi:

“Arrinka Somaliland halkan maanta ma yaal. Boorame ayaa loo fadhiyaa oo uu yaallaa.”

Qas iyo wareer ayaa Qolkii shirka saaqay. Waa la isku yaac-yaacay. Fadhi iyo joog midna waa la xammili waayay. Shir-guddoonkii ayaa dhegta wax isu saar-saaray. Liyonaardo Kapuungu ayaa kursigii uu ku fadhiyay hayn waayay.

Dadka meesha fadhiyay wixii aan af Soomaaliga qoon, waa loo tarjumayay oo samaacado ayaa dhegaha ugu jiray. Kolleyba inta aan xusuusto afafka wax lagu tarjumayay waxa ay ahaayeen: Ingiriisi, Faransiis iyo Carabi. Intaa markii uu yidhi ayaa buuqii sii batay. Liyonaardo Kapuungu ayaa u tegay Shir-guddoomiyihii oo ahaa nin diblomaasi ah oo reer Gini (Conakry) ahaa oo la odhan jiray Ambassador Lanzana Kouyate oo beddelay ninkii ka horreeyay ee la odhan jiray Admiral Howe.

Liyonaardo Kapuungu ayaa si cadho leh u soo dhaqaaqay oo weriyayaashii Cigaal hor tubnaa inta uu askar soo kaxaystay qasab kaga dhaqaajiyay halkii ay taagnaayeen ee Cigaal hortiisa ahayd. laydhadhkii Cigaal ku shidnaa ee kamirooyinkii loo adeegsanayayna waa la bakhtiiyay. Laakiin makrifoonkii uu shirka kula hadlayay lagama bakhtiin. Rikoodh yar oo aan sitay oo Cigaal hor yaallay ayaan inta aan kacay makrifoon sudhay oo aan Cigaalna makrifoonkii raqabaddii shaadhka ugu xidhay. Khudbaddaa inteedii danbe cajaladdaa ayaanu ku duubannay.

Maalintaa subaxnimo ayuu shirka ka hadlayay. Markiiba annaguna waa aanu xanaaqnay oo dhaqdhaqaaq laxaad leh ayaanu samaynay. Malaha Cigaal waxa ay u majeeranayeen wax kale ayay ka filayeen. Tirada ayaa se nimankaa maalintaa ka gedmatay. Cigaal iyo wefdigii Guurtida waxa aanu ku celinnay Hudheelkii ay degganaayeen.

Annagu waxa aanu ku soo noqonnay Qolkii lagu shirayay. Markiiba warqad martiqaad iyo ogeysiis isugu jirtay oo af Ingiriisi ah ayaanu garaacnay. Dabaqii hoose oo waraaqaha lagu badin jiray ayaanu la tagnay. Markii aanu soo badsannay waxa aanu la dhex-qaadnay Qolkii shirka, wefdiyadii, diblomaasiyiintii iyo weriyayaashii caalamiga ahaa iyo kuwii gudahaba. Waxa aanu qabanqaabinnay shir-jaraa’id oo Cigaal ku qabanayay Hotel Afrique galabnimadaa, kaas oo uu si faah-faahsan ugaga hadlayay Qalalaasaha Soomaaliyeed iyo sida loo maaraynayo.

Hotel Afrique ayaanu tagnay si ay ugu diyaar-garoobaan. Maamulkii Hotel-ka ayaanu arrintii is-la qaadannay. Lacag kiro ah ayaa nala weydiiyay annaguna wax caynkaas ah oo lacag ah ma aanu hayn. Waanu la gorgortannay oo wax ayay naga rideen maa daama aanu maamulka garanaynay oo beryihii aanu halgamaynay ay ka shaqayn jireen dhudheelladii Raas iyo Kaara-mardha ee Diri-dhabe ee aanu macmiisha la jecel yahay u ahayn.

Sidii ayuu ku hirgalay shirkii-jaraa’id ee Cigaal oo uu si cad ugu qeexay gooni-isu-taagga Somaliland, weriyayaashii oo ka xanaaqsanaa sidii Qolkii shirka looga dareeriyayna warkii meel walba waa ay ka tuureen. Subaxnimadii dayuurad ayaanu dalbannay sidiina wefdigii Guurtida waxa aanu ugu dirnay Boorame oo uu ka socday Shirweynihii Guurtida ee Somaliland.

Maalin iyo laba ka dib ayaanu annaguna ka ambo-baxnay Addis-Ababa annaga oo Qolkii shirka iyo wefdiyadiiba u qaybinnay mowqifkii SNM oo qoraal ah.

Intaasi waxay iga ahayd hordhac ah, Cigaal waxa uu ka qabay Qalalaasaha Soomaaliyeed ka hor intii aan loo dooran Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Laga bilaabo maalintaa ilaa 3dii Meey 2002da oo ahayd maalintii uu geeriyooday Cigaal waxa uu aamminsanaa in:

  • Maareynta Qalalaasaha Soomaaliyeed lagu koobo Soomaaliya,
  • Ka dibna labada dal ay ka wada hadlaan aayahooda iyaga oo laba Jamhuuriyadood ah, sidii ay lixdankiiba u ahaayeen labada dal,

Bal aynu u soo daadegno Aragtidii Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliyeed intii uu hayay xilka Madaxweynenimo ee Somaliland.

Markii uu dhammaaday Shirweynihii Guurtida ee Somaliland ee Boorame, halkaas oo Cigaal loogu doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ergooyinkii waxay u kala baxeen meelihii ay ka yimaaddeen. Cigaal waxa uu u soo ambo-baxay magaalada Hargeysa 26/5/1993kii, isaga oo habeenkaa ku dhaxay magaalada gebilay. 27/5/1993kii ayuu soo galay Hargeysa oo loogu soo dhaweeyay si la yaab leh oo aan hore loo arag. Xusuusteenna ayaan fiicnayne, haddii aad dib u daawato cajaladihii maalintaa la duubay waxa aad la xidhiidhinaysaa sidii loo bilay aaskiisii. Maalintaa Kheyriyada ayuu dadkii isu soo baxay kala hadlay.

30/5/1993kii Cigaal waxa uu ku dhawaaqay dhowr ka mid ah xubnihii Golihiisa Wasiirrada, dhowr maalmood ka dibna waxa uu khudbad ka jeediyay Kheyriyada. Waxa aan ka mid ahaa dadkii goob-joogga ka ahaa ee dhegeysanayay. Dadkii maalintaa dhegaysanayay aad ayay uga yaraayeen dadkii soo-dhawayntiisa u soo baxay 27/5/1993kii. Sida ay ila tahay yaraanta dadkii soo baxay maalintaa waxa u sabab ahaa saluug ay dadku ka muujiyeen xubnihii Golaha Wasiirrada ee uu magacaabay. Dareen aan qarsaday ma ahayn ee Cigaal inta aan xafiiskiisa subax ugu tegay ayaan weydiiyay sida uu u macnayn karayo dad badnaantii maalintii uu Hargeysa soo galay iyo dad yaraantii maalintan danbe. Taasi waa mowduuc kale e’ aan ku soo noqdo khudbaddii uu maalintaa danbe Kheyriyada ka jeediyay. Hadalku waa uu dheeraa, waxa se wax ka soo qaad lahaa Aaragtidii Cigaal ee maalintaa ee Qalalaasaha Soomaaliyeed.

Maalintaa isaga oo ka hadlayay Soomaalinnimada, hadalladii uu ku tiraabay waxa ay ahaayeen isaga oo yidhi kama aynu bixin Soomaalinnimadii. Waxa uu intaa raaciyay: “Lixdankii ciid xun ayaa lagu abaqaalaye, maanta ciid wanaagsan ayaynu doonaynaa in aynu ku abaqaalno.” 

Isaga oo xilka ku cusub ayuu hadalkaa Kheyriyada ka yidhi. Markiiba dooddu waa ay bilaabantay, maalintaa iyo maalmihii xigayna waa lagu qayilayay. Cigaal laguma aqoon qof dareenkiisa qarsada. Kor iyo hoosba waa uu u odhan jiray. Cigaal wuxu ahaa nin hal-adag. Sidaa ayuu midnimada u arkayay. Eedda midnimada ma uu saarayn. Midnimadu isaga waxay ugu xidhnayd ujeeddada laga leeyahay, sida loo hanto iyo sida hadba loogu adeegsado himilooyinka laga leeyahay. Ma ahayn nin inta uu meel fog tago ibriiq ku addima oo midnimo madhan ka sheekeeya.

(La soco……………………….)