Arabsiyo: Masuuliyiin Kormeeray Wejiga 1aad ee Dhismaha Jaamacadda Al-Cirfaan oo gebo-gabo ah

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Md Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo ay weheliyaan xubno ka mid ah Guddiga gacanta ku haysa Dhismaha Jaamacadda Al-Cirfaan ee magaalada Arabsiyo, ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Jaamacadda oo dhismaheedu socdo.

Weftiga oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane iyo Eng Maxamed Yuusuf Dhambaal ayaa ujeeddada kormeerkoodu la xidhiidhay dhammeystirka wejiga kowaad ee dhismaha Jaamacadda oo ay si tabarucaad ah uga qayb-qaadanayaan shaqaalaha dhismaha ee magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Gabiey.

Ugu horeyn, waxa halkaas ka hadlay shaqaalaha Wastaadiinta ah ee ku jira dhismaha Jaamacadda, kuwaas oo sheegay inay kaalintooda ka qaadiyaan Dhismaha Jaamacadda Al-Cirfaan ee magaalada Arabsiyo.

“Waxaan ka mid ahay dadka halkan u yimi inay ka qayb-qaataan tabarucaadka Qaybta Boorama ka timi, waxaan u arkayaa inay meeshani tahay meel weyn oo umadda ka dhaxaysa. Waxaan ka mid ahaa dadkii wax ku bartay halkan 1973-kii yimi, umadda kalena waxaan u sheegayaa in halkan oo jaamacad loo aqoonsaday ay taallo aqoon Maaddi iyo Diiniba ah,” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah Wastaadiinta sida tabaruca ah uga qayb-qaadanaysa dhismaha Jaamacadda Al-Cirfaan oo uu wax ku bartay 40-sanno ka hor.

Faahfaahinta Warkan kaga Bogo Muuqaalka Hoose