Aqoonyahan Qurbejoog ah oo Shaaciyey inuu u taagan yahay tartanka Doorashada Mudaneyaasha Golaha Wakiillada

Boson (SLpost)- Dr Ciise Keyd oo ah Aqoonyan reer Somaliland ah, isla markaana muddooyinkii u dambeeyey ku noolaa waddanka Mareykanka, gaar ahaan Boston, ayaa shaaciyey inuu yahay Murashax u tartami doona Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland oo la filayo badhtamaha sannadka dambe inay ka dhacdo dalka.

Dr Esse KeydCiise Keyd waxa uu sheegay in shaacinta hankiisa murashaxnimo ku timi ka dib markii uu la tashi badan la sameeyey Wax-garadka, Aqoonyahanka iyo dhalinyarada Beeshiisa iyo sidoo Asxaabtiisa inuu siugu isu soo sharxo doorashada Golaha Wakiilalda.

Sidaasna waxa uu ku sheegay Qoraal xambaarsan sababaha ku dhiirrigeliyey Hankiisa siyaasadeed oo warbaahinta la soo gaadhsiiyey, kaas oo u qornaa sidan:- “Maanta oo taariikhdu tahay 4-ta biisha December 2014-ka waxaan shaacinayaa inaan ahay Murashax u tartami doona Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee fooda innagu soo haysa haddii Alle idmo. Arrinta ku saabsan Murrashaxnimadayda waxay ka dhalatay wada-tashi aan la sameeyey Dad kala duwan oo aanu isku beel ka soo jeedno, kuwaasoo igu dhiiri-geliyey in maanta fursaddaasi ii banaan tahay.

Marka ugu horaysa waa waajib in qofku wax doorto lana doorto, waxaanay ka mid yihiin Xuquuqaha aas-aasiga ah ee muwaadiniinta reer Somaliland ka siman yihiin Dastuuriyan. Annigoo qodobkaas ka duulaya, waxaan halkan ka caddaynayaa in aan u taaganahay ka mid noqoshadda Murashaxiinta doorashadda Wakiillada ee soo socota haddii Ilaahay Idmo.

Waxaan Ogaysiinayaa amaba aan ku War-gelinayaa Taageerayaashayda iyo Asxaabtayda gaarka ahba, inaan ahay Murashax u taagan doorashada Golaha Wakiillada 2015-ka,waxaan ahay ninkii ugu horeeyay ee Waxgaradka beeshiisa Arab (Samane) ku war-geliyay damaciisa siyaasiga ah, waanay igu taageereen dhammaantood, waxaana u muuqatay in baahi loo qabo Xildhibaan danta qaranka iyo tan deegaankaba ka shaqeeya,” Sidaas ayuu Dr Ciise Keyd ku sheegay qoraalkiisa.

SOMALILANDPOST.NET