Aqoonyahan Jamaal Cali Xusseen oo Bogaadiyay Ugaaska Cusub ee Beesha Cabdalle Sacad

[H]argeysa (SLpost)-Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa boggaadiyay Ugaas Cusub ee Beesha Cabdale Sacad Ugaas Cabdilaahi Cabdi Xassan (Xawaareeye) oo dhawaan lagu caleemo saarey Magaalada Hargeysa. Waxaanu sidoo kale Ugaaska Eebbe uga baryey inuu xilka culus ee uu qaaday u fududeeyo.

Qoraal Kooban oo xambaarsan Hambalyada iyo Ducada Ugaas oo Jamaal Cali Xuseen Warbaahinta soo gaadhsiiyey ayaa udhignaa sidan:  “Waxaan hambalyo u dirayaa Ugaaska Cusub ee Beesha Cabdale Sacad Ugaas Cabdilaahi (Xawaareeye) oo dhawaan lagu caleemo saarey Magaalada Hargeysa. Ugaaska oo ah odaygeygii markii aan maqlay in xilkaasi loo caleemo saarey waan ku farxay wuu ku haboonaa in xilkaasi loo magacaabo iyo mid ka sareeyaba. Waxaan u jeedinayaa shacabka reer Somaliland hiil iyo hooba inay la garab istaagaan Ugaaska cusub si ay hawlihiisu ugu  fududaadaan, Ugaaska Waxaan leeyahay noqo mid dadka isku ururiya dhamaantood. Waxaanan ILAAHAY uga baryayaa Ugaaska inuu xilka culus ee loo igmaday u fududeeyo”.

Ugaaska Cusub ee Beesha Cabdale Sacad, Ugaas Cabdilaahi Cabdi Xassan (Xawaareeye) ayaa lagu calaeemo Saarey Magaalada Hargeysa Hargeysa 23 May 2012, taas oo noqotey Xaflad kulmisay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Wefti reer Jabuuti ah oo ka qeybgalay caleemo saarka Ugaaska Cusub.

Jamaal Cali Xuseen oo haatan ku sugan ku sugan Dalka Isu-tagga Imaraadka Carabta, ayaa la rejaynayaa inuu dhawaan Safar ku yimaado Magaalada Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net