“Aqoonsiga Somaliland Khatar Kuma Aha Qaranimada Somalia” Ismaaciil Buubaa

Hargeysa  (SL.Post) Prof Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa sheegay inaanu aqoonsiga Somaliland dhibaato ku ahayn dawladnimada iyo qaranimada dalka Somaliya, balse uu u yahay wax tar.

index

Buubaa, ayaa qoraalo uu ku baahiyay bartiisa twitterka, waxa kale oo uu kaga hadlay faraqa u dhexeeya Somali Republic iyo Republic of Somaliya, waxaanu isagoo ugu horayn ka hadlaya aqoonsiga Somaliland uu yidhi “Aqoonsiga Somaliland khatar kuma aha qaranimada Somaliya. Wuxuuse geesta kale xoojinayaa dib u heshiisiinteeda, ammaanka iyo dawladnimada.” ayuu yidhi Buubaa, waxaanu isagoo sharaxaya Somali Republic iyo Republic of Somaliya uu yidhi “Faraqa u dhexeeya “Somali Republic iyo Republic of Somalia, waxa weeye Somali Republic waxa ku jirtay taariikh ahaan Somaliland, laakiin Republic of Somaliya weligeed kumay jirin.”

Ismaaciil Buubaa, wuxuu sheegayaa in xuduntii Somaliland iyo Somaliya ay kala go’day, waxaanu yidhi  “Jamhuriyadda federaalka Somaliya oo ka dhalatay burburkii Jamhuuriyadii Somaliyed waxay xudunta u kala jartay Somaliland iyo Somaliya.”

 

Somalilandpost.net