Aqoon u Fahan Siyaasadda

Fahanka siyaasada waa fahanka aad garatid hadba dabaysha socota adiga oo cabiraya inay ku ogoshahay iyo in kale, xeel dheerida aad ku garatid dabayshaas ayaa ah in aad isku beegtid,noqotidna farshaxaynaste quluubta umada hanta hirgaliyana dhacdooyin aan la ilaawin waqti dheer, taa badalkeed ka gabashadaa aad ka dhuumataa waxa iyana ka mid tahay aqoonta duurugsan ee qof siyaasi ah leeyahay waxana uu dhaxlaa in aanu qof xag xagan si aanu hadhaw nabsi uga daba iman, sida hada haysata , kooxda Kulmiye, mar walba oo damacu ku qaado , garana waydo dabaysha inay ku ogoshahay waxa laga dhaxlaa in marka hore aad u martid jid dhib badan kaas oo aad cid walba isku nacdaan, kana fogaatid shuruudaha ay kugu xidhayso

siyaasadu, (Political conditionality), oo ah in aad akhlaaqiyan u saraysid si aad u noqodid Role model umada saamayn kara.

Akhalaqdu waa adiga o ka fogaata shay walba o xun, waxa xumi waa shay walba oo uu ku lug leeyahay ibliisku, waxayna la taxaluqdaa arimo diimeed, saas darteed baa Nabigu csw lahaa waxa lay soo saaray in aan dhamaystiro akhlaada teeda wanaagsan.

Waa inaad tahay qof naxariis badan ayna taabanayso dhibta bulshadiisa haysta , tan waxaad ka dhaxlay dareen caadifadeed  (emotion ) emotion ku waa dareen ka soo baxa halka ay iska galaan jidhka iyo maskxada, dareenkaas ayaa kugu qasbi inaad u fakartid umadaada kadib marka su,aalo badan ku waydiiyo dareenku ,waa inaad tahay qof Caadil ah, cadaaladu waa adiga oo waxaad la jeceshahay naftaada la jeclaada walaalkaa , waxaad la neceb tahay naftaadana la nebcaada walaalkaa, waa adiga oo dhibta kugu dhacda aan dusha ka saarin shaqsi, beel ee ka xisaabiya naftaada halka laga so raacay, dhamaan diimhaa samaawiga ah waxay aaminsan yihiin xadiiska aan ku fadhiisiyay Cadaalada waxayna yihiin kuwo so qaata waqtiga ay nabada ka hadlayaan.

Runsheegnimo waa inaad ka dheraata beenta sababtoo ah noloshu waa jabaqda oo  kale hadii aad qol cidla ah ka dhawaaqtid waxa kugu so noqonaya dhawaaqii saas si la mid ah ayay noloshu tahay, waa halkii uu isaq niyuutan ka lahaa (every reaction has opposite reaction) hadii aad been sheegtid waxa ku sheegi been kuwa shaqadu idinka wada dhaxayso halkaasana waxa ka dhalan in aad go,aaan sax ah qaadan kari waydid.

Waa inaad tahay qof Hanwayn , hanwaynidu waxay ku dhaxalsiisa wax badan Ibnu qaasali RI    waxa uu yiri qofku waxa uu yahay waxa uu ku hamiyo, waa ta ku diiday in bulshadaada aad reer reer u qaybiso waad ka xishoon , waxa laga dhaxlaa aqoon sare , aqoon walba oo qofku barto waxa ay leegtahay inta hankiisu leegyahay, mar walba oo aad ku dhereriso aqoontaada dadkaaga iyo dalkaaga waa mar walba oo aad si hufan u fahantid dhibta haysata umadaada, jawaabna u heshid, waa sababta keenaysa in aad aqoon durugsan yeelatid.

Alle ka cabsi waa inuu jiraa, qofka umad hogaaminaya waa shay muhiim ah inuu Alle ka cabsi xoogan leeyahay, diintuu doono ha haystee, Alle ka cabsida waxa laga dhaxlaa in aad quluubtaadu furnaato oo, aad yeelatid aragti dheer, (xus adoonkii Ibraahim, isixaaq, yacqub, waxay ahaayeen kuwo ku awod badan cibaaadada, waxayna ahaayen kuwo aragti dheer,)

Tani waxay ku diidaysaa in qof walba waxa uu rabo ku sheego waa ta ku siisa in aad fahantid qofka kula hadlaya macanha dhabta ah ee ka danbaysa, waa ta ku siisa inaad garatid dabaysha siyaasadeed ee socota, waa ta ku siisa inaad garatid kaad tahay.

Daacadnimo,  daacadanimadu waa caleen yar oo ka baxda qol cabsi badani ka jirto, waxana ku dhaca geesiyada quluubta ka nool, wa inaad shay walba oo aad qabanaysid waa inaad u qabataa in umadu ka faa,idaysato adigoo aan dan kale ka lahayn magic ka raadinayn aduun ka raadinayn, walibana u diyaar garoobaya in lagu dhibo lehna samirkii u ku wadi lahaa.samir la,aan suurta gal ma ahan in aad siyaasi noqotid sababtoo ah waxa laga rabaa in aad awood u leedahay 30 inaad daawade noqon kartid ee kyuuga cid kale ku jirto

marka aad hadaba inta sare ka soo boodid waxa hubaal ah in aad lid ku noqotid hanaanka Aadmigu u noolyahay isla markaana aad qaaday jidka u daran Aadmiga
madaama jidka aad soo martay ahaa jid qaldan aadna dafirtay shuruudihi u yiil manhajka Siyaasda waxa hubaal ah in marka aad gaadho halkii aad u socotay ay iyana ku dafirto kana daba yimaadan waxad samaysay , nasiib daro labada jeer marna maad nasan oo kumaad raaxaysan farshaxanimda siyaasadeed, mar walba oo aan arko siyaasiyiinta Soomalida hor boodaya xaqiiqdii waan qoslaa, hadana qalbiga ayaan ka ilmeeya nasiib darada haysata awgeed, sababtoo ah waxa aanay garanayn , una abuurnayn ayay gacanta la galaan waxayna ku qasabtaa inuu guul daradiisa kula dhuunto isku dirka umada, field ka  siyaasadeed sida loo haysto waa ka qoto dheer yahay waana field ka  cilmi ahaan isugu jira dhawr field oo kala duwan waxase ka muhiimsan in aad marka hore Eebe ku abuuray in aad siyaasi ahaatid, ama Familiar .macnaha hala abuurka siyaasi inaad tahay qof markaba fahmi kara oo garan kara godka laga duulayo, siyaasadu ma ahan dhacdo hadba lagu cararo ee waa qorshayaal ka turjumya hadba waqti taagan taas oo lagu fadhiisinayo aragti dheeran lagana duulayo taariikhda la soo maray iyadoo hadba la fasiaryo halka la marayo, lana saadaalinayo waxa maqan, awoodaa ayaa lagu hagaa umada mase aha in hadab beel u baahan in loo hiiliyo la isticmaalo oo la dhaho qayb baad ka tihiin siyaasada, garashada xeel dheeranimo ayaa ah ta dabraysa nin walba una run sheegay kuna qasbay in la hogaamiyo,

Fahanka labo shay ayaa salka ku haysaa siyaasadu:

  1. fahanka Human nature : mar walba oo aad aqoon durugsan u leedahay dhalashadii , abuurankii bulsheed iyo marxaladaha ay soo mareen waa mar walba oo aad darsio kartid beel walba waxay u taagan tahay adigoo garashada aad garatid taa ayaa ah halka ay udhimatay the nature of human being,, garashadu waa god ka mqana barashadiisa, madaama ay saa tahay raadinteedu waa cilmi baadhis xoog badan iyo fikir joogta ah waana ta ku dhaxaliisa in aad qaadatid go, aan ku dhisan philosophy , waxa la dhahaa ma jirto go,aan siyaasadeed oo aan ku dhisanayn philosophy

  1. State of nature , waa inaad aqoon durugsan u leedahay wadanka aad maamulay waxa uu yahay sida ay u wada shaqeeyaan degaanku haday tahay ta qabaa,ilka iyo haday tahay ta deegaankuba tusaale ahaan qabaa,ilka degan wabiyada ama kuwa degan bada cas,.ama in Indian ocean , kuwa buuraha saran ama kuwa banaanka jooga sida ay u wada shaqeeayan waa inaada qoon durugsan u leedahay waa halka aad ka garan kartid sida caadalada Rabi u shaqanayso, ama dabayshu cid ay wado, waxa kale oo aad ka dhaxashaa qarankaaga sida dhacdooyinkkisu u saameeyaan wadamo  kale ama iyaga dhacdooyinkoodu ku saameeyaan, tusale ahaan hada ilaa central Africa ilaa Soomalia intaa dhacdooyinka ka dhacaa way isa saameeyan waana sababta Maraykanku ula dhaqmo sidii one shop, taa ayaa ah halka aaad ka saadalinysid wadamada jaarka tihiin cimirga siyaasadeed ee ay marayaan inta u hadhsan waxa ku soo wajahan taasina waxay kugu qasbaysaa in aad go, aan sax ah kula dhaqantid oo aan ku dhisnayn psychological Factor, oo kamid ah afrata go,aan ee quseeya siyaasad Arimaha debeda , waxa go,aankani salka ku hayaa believes adigoo wax iska rumaysan xaqiqana ahahayn, miscalculation  oo aad wax qaladan isku gaysataid, misunderstanding oo ku fadhiya adigoo qalad fahma godka aad ka duulay, mis perception oo ku fadhiya adiga oo si qaldan u gaadha go,aan aan ka turjumayn.

Hadaba aqoontan waxa u sal ah iyana taariikhda sababtoo ah taariikh la, aan lama socto waana sababta quraanka inta badan  taariikhda wax laga baranayo loogu xusay kama dhamaan karno hadaynu damcno sharaxaada taariikhda.

Hadaba  garahsdaa aad u yeelatid human nature  waxay ku siisaa in aad garato waxaad  u abuuran tahay, oo ku sheegay inaad ku haboontahay siyaasada umad lagu hagayo iyo in kale

Waxay kaloo ku sisaa inaad garatid cimiriga siyaasada aad rabtid inaad ka qayb gashid (line life politics waa ta kugu hagaysa waqtiga aad xaadiraysa fagaaraha kuna sheegay waqtiga aad ka fadhiisanay waxaadna tahay nin ay u qiimaysantahay inta actor eek u lug yeelanaya mustaqablaka dhaw iyo ka fogba qaranka aad maamulay.

 Gunaanad:

Waxa umada Soomaliyeed aduun iyo Aakhiro seejiyay nin aan diyaar u ahayn inuu fakaro, dareen dhab ahani ahayn kaas oo aan akhlaaqiyan dhisnayn, waxa qurxoon ninka raba umada inuu u istaago inuu hora naftiisa ka biaabo inuu dhiso sababtoo ah tiisa daryeela ayaa tu kale ku dara waxa tani ku fadhidaa waa akhlaaqda qofka dhisa ayaa umada dhisa ee ma ahan aduun sababtoo ah wa ala helaa la waya, saas darted jiilka cusubaw waa lagama maarmaan in aydin horta nafahiina barataan dhistaaana sia qoontu dhadhan idiinku samayso idiina sheegto kaad tihiin.

Qalinkiii Muuse xaaji cabaydh

Free political analyst

camaydh@hotmail.com