“Annigu Goob-joog Kamaan Ahayn Meel Axmed Silaanyo Isku Casili Gaadhay, warkaasina Maaha War Xaqiiqo Ah Caafimaadka…” – Maxamuud Xaashi Cabdi

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa xaqiiqo aan sal iyo raad-toona lahayn ku tilmaamay sheeko ku xusan buug uu dhowaan soo saaray wasiirkii isaga xilka uga horreeyey ee Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaas oo uu ku sheegay in madaxweynihii wakhtigaas Axmed Maxamed Siilaanyo go’aan saday inuu xilka iska casilo markii uu talada dalka hayay muddo bil ah kaddib markii uu ogaaday in xannuun ka haleelay dhinaca xusuusta.

maxammuud xaashiMaxamuud Xaashi Cabdi xilligaas ahaa Wasiirka Duulista iyo Hawada, ayaa isaga oo daba-socda qoraalkaas ku xusan Buugga Xirsi Xaaji Cali, waxa uu sheegay inaanu jirin go’aan madaxweynuhu xilligaas ku gaadhay inuu is-casilo isla markaana caafimaadkiisu wanaagsanaa. Waxa kale oo uu beeniyey in goob-joog ka ahaa Kulan uu Xirsi sheegay inay isugu yeedhay Marwada Madaxweynuhu kaddib markii Md Siilaanyo go’aasaday inuu is-casilo.

Haddaba, Maxamuud Xaashi waxa uu arrintan iyo arrimo kale kaga hadlay, qoraal uu maanta soo saaray, kaas oo uu kaga hadlay arrintan iyo arrrimo kale.

Qoraalka Madaxamuud Xaashi, ayaa u qornaa sidan:- “Ma jecli inaan faah-faahin ka bixiyo buugga uu wasiirkii hore ee Madaxtooyadu qoray, waxaan jecelahay inaan gor-fayntiisa u daayo shacabka Somaliland,waa ta koowaade annigu goob-joog iyo makhraati midna kamaan ahayn kulanka xirsi sheegay in marwadu noogu yeedhay ee ku saab-sanaa in madaxweyne Silaanyo is-casili gaadhay, warkaasi maaha war xaqiiqo ah.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Silaanyo waxaan ahaa gacan-yarihiisii wakhtigii uu ahaa murashaxa xisbiga KULMIYE,waxaan ahaa todoba sanadood wasiir xukuumadiisa ka tirsan, labadii sanno ee u danbeeyayna waxaan ahaa gacan-yarihiisii gaarka sidaas awgeed caafimaadka madaxweyne Silaanyo waxa uu ahaa mid wanaagsan,caqligiisa iyo maskaxdiisuna waxay ahayd taam taasina waa ta suurta gelisay in Axmed Silaanyo todobadii sanno ee uu ahaa madaxweynaha uu dalkani kala soo dabaashay duruufo addag oo kala duwan, hadii caafimaadka madaxweynuhu khaldanaa dal-na muu maamuleen,guulna ma gaadheen,Axmed Silaanyo muu ahayn maxbuus ay kawarmi karaan xaaladiisa koox kooban,waxa uu ahaa nin ballaadhan oo aanay waxba u qarsoonayn.

Marwada 1aad ee Madaxweyne Siilaanyo Marwo Aamina Maxamed Jirde waxay ahayd sida uu Xirsi-ba buugiisa ku xusay haweenay waxbaratay,kana danbaysa ninkeeda iskana dhawrta fara-gelinta maamulka dawladda, sidaas darteed hadii uu Xirsi buugiisa ku xusay inay 5-tii sano ee uu wasiirka Madaxtooyadda ahaa ay ahayd marwo gurigeeda ku kooban,labadii sanno ee danbana sidii uun bay ahayd, Xirsina kama warami karo meel aanu joogin.  Wabilaahi Tawfiiq.”