“Annagu waxaanu u aragnaa xeelad ay doonayaan inay dawladdu dib ugu dhigto doorashooyinka, mid la aqbalayana maaha oo…”

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa ka digay in xukuumaddu diwaan-gelinta Madaniga ah sabab uga dhigato dib-u-dhac ku yimaadda doorashada madaxtooyada oo ku muddeysan inay dalka ka qabsoonto badhtamaha sannadka soo socda.

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa kaga dhawaaqiyey in diiwaangelinta Madani ahi tahay xeelad xukuumaddu ku doonayso inay doorashooyinka dib uga riddo wakhtiga loo cayimay oo ku beegan badhtamaha sannadkan 2015-ka, waxaanu sheegay inaanay xisbi ahaan ka oggolaan doonin dib u dhac ku yimaadda doorashada.

UCID“Annagu waxaanu u aragnaa xeelad ay doonayaan inay dawladdu dib ugu dhigto doorashooyinka, mid la aqbalayana maaha oo deeq-bixiyeyaasha waanu kawada hadalnay, dawladdana waanu ka wada-hadlnay mawqifkayaga. Ma ogolin doorashada in dib loo dhigo oo la isticmaalo xeeladdan,” ayuu yidhi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo isaga iyo masuuliyiin sar-sare oo xisbiga ka tirsani warbaahinta kula hadleen guriga uu magaalada Hargeysa ka deggen yahay Guddoomiyaha Wargeyska xayiran ee Haatuf oo la sheegay in xaaladdiisa caafimaad liidato ka dib xabsi muddo saddex sanno ah oo maxkamadda gobolka Hargeysa ku xukuntay, balse markii uu dhowr bilood ku jiray lagu sii daayey cafis la sheegay inuu ka helay madaxweyne Siilaanyo.

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID waxa uu shaki geliyey in meesha laga saaro diiwaangelinta Codbixiyeyaasha doorashooyinka isla markaana diiwaangelinta Madaniga oo xukuumaddu maamulkeeda gacanta ku hayso loo adeegsado doorashooyinka soo socda lagu galo.

“Waxaan u arkaa (Diiwaangelinta Madaniga ah) mid ay gacanta ku hayso dawladdu, tii dawladdu gacanta ku haysay, haddii la raaco meesha doorasho ma jirtee, iyaga (Xukuumadda) ayuunbaa is-dooranaya,” ayuu yidhi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo dhawaaqiisu daba-socdo hadal maalintii Isniinta ee todobaadkan ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo warbaahinta u soo bandhigayey qalabka diiwaan-gelinta muwaadiniinta oo dalka soo gaadhay todobaadkan, waxaanu halkaas wasiirku ka sheegay in gobollada iyo degmooyinka dalka la gaadhsiin doono Agabka lagu fulinayo diiwaangelinta Madaniga ah labada todobaad ee soo socda, isla markaana dalka oo dhan laga qabanayo bishan gudaheeda oo hore loogu muddeeyey.

SOMALILANDPOST.NET