“Annaga ayaa ka dambaynay dilka xildhibaanka Puntland ka tirsan” Al-shabaab

Muqdisho, (SLP)- Kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dawladda Soomaaliya  ayaa sheegatay inay ka dambaysay dilka xildhibaan Aadan X. Xuseen Ismaaciil oo maanta barqadii lagu dilay xaafadda Taleex oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Mudanahan ayaa la toogtay isagoo kasoo baxay cusbitaal uu baadhis caafimaad u tagey saaka, iyadoo dableydii dishay ay ku dhex-toogteen gudaha gaadhi uu saarnaa, iyadoo uu la socday xildhibaan kale oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, kaasoo ka badbaaday weerarka.

“Annaga ayaa ka dambaynay dilka xildhibaanka Puntland ka tirsan, waananu sii wadi doonnaa toogashooyinka aanu la beegsanayno cadawga,” ayuu yidhi afhayeenka dhanka hawlgallada ee Al-shabaab oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay inay sidoo kale mas’uul ka yihiin weerar xalay lagu qaaday saldhigga booliska magaalada Boosaaso oo lagu dhaawacay sarkaal sare oo ka tirsanaa booliska maamulka Puntland.

Kooxda Al-shabaab ayaa weli ka talisa deegaanno Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya ah, iyagoo weerarro is-daba-joog ahna ka gaysanaysay magaalada Muqdisho iyo deegaannada Puntland, kuwaasoo ay naftooda ku waayeen dad fara badan.

Kooxaha dilay xildhibaanka oo watay gaadhi yar ayaa dilka ka dib ka baxsaday goobtii ay ku dileen, iyagoo sarkaal sare oo booliska Soomaaliya ka tirsani uu sheegay inay baadi-goob ku hayaan kooxihii dilka gaystay.

Ugu dambayn, xildhibaan Aadan Xaaji ayaa maydkiisa la dhigay mid ka mid ah cusbitaallada Muqdisho, iyadoo aan la ogayn halka lagu aasi doono, waxaanu noqonayaa xildhibaankii u horreeyay ee ka tirsan baarlamaanka Puntland ee lagu dilo magaalada Muqdisho.

Somlilandpost.net