“Anigu wasiir qaran ayaan ahay ee anigu wasiir reer ma ihi…” Sacad Cali Shire

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka arimaha dibada Sacad Cali Shire ayaa suaal ay warbaahintu ka waydiisay deegaankiisa waxa uu kaga jawaabay inuu wasiir qaran yahay,isla markaasna aanu isagu ka hadlay arimo deegaan u gaar ah.

Wasiirka ayaa dib ugu soo labaatay dalka kadib safar maalmo badan qaatay oo uu ku soo maray dalka Ingiriiska, waxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Anigu wasiir qaran ayaan ahay ee anigu wasiir reer ma ihi, caaqil iyo suldaan toona ma ihi, xildhibaana ma ihi laakiin wax kasta oo qaranka saameeya guud ahaan ayaan uga hadlaa,laakiin arimo gaar ah kama hadlo arimahanina waxay quseeyaan wasaarado, haday haamaha tahay waxay qusaysaa wasaarada ganacsiga, haday dekeda tahayna waxay hoostimaadaa madaxtooyada, markaas hawsha waa la kala leeyahay.”