“Anigu noloshayda weligay maan isticmaalin drugs-ka kordhiya awoodda, weligayna ma qaadan doono” Mo Farah

London, (SLpost)- Orodyahanka Soomaaliyeed, isla markaana u orda England ee Mohamed Farah oo ay baryihii ugu dambaysay uu culays weyni ka saarnaa arrin la xidhiidha inuu isticmaalay drugs-ka kordhinaya awoodda qofka ayaa si adag u beeniyay inuu wax Drugs ah noloshiisa isticmaalay wuxuuna carabka ku adkeeyay inaanu weligii isticmaali doonin.Mo Farah

Mohamed Farah oo bartiisa facebook ku baahiyay qoraal uu saxaafadda ugu talo galay ayaa yidhi: “Anigu noloshayda weligay maan qaadan drugs-ka kordhiya bandhiga, weligayna ma qaadan doono, anigu waayahayga ciyaareed waxaan soo maray boqolaal baadhitaan, baadhitaan kastaana wuxuu noqday mid aan waxba laga helin, anigu si buuxda ayaan saraakiisha ugu sharaxay labada baadhitaan ee keliya kuwaas oo aan weligay seegay, kaasoo ay saraakiishuna fahmeen, taasina weligeedba may soo jeedin waxaan qalad sahlan ahayn.”

Mohamed Farah ayaa sheegay in labadii todobaad ee la soo dhaafay ay ahaayeen waqtigii noloshiisa ugu adkayd wuxuuna yidhi, “Labadii todobaad ee lasoo dhaafay waxay ahaayeen kuwii noloshayda ugu adkaa, iyada oo laysla dhex-marayay warar aniga igu saabsan oo gabi ahaanba been ah, saamaynta ay arintani ku yeelatay qoyskayga iyo asxaabtayda ayaa iga cadhaysiisay, waxayna igu riday cadho iyo murugo”.

“Gaar ahaan saxaafadda oo culays saartay qoyskayga curdinka ah iyo xaaskayga oo ah xaamilo shan bilood ah taas ayaa ah mid aad u xanuun badan iyada oo aan anigu waliba tabobar kaga maqanahay iyada oo uu jiro tartan muhiim ahi.”

Mohamed Farah ayaa sidoo kale sheegay inuu hubiyay in tabobarihiisa Alberto Salazar uu bilaa dembi yahay, kaasoo hore loogu eedeeyay inuu ku lug lahaa dhoofinta drugs adduunka laga mamnuucay. 

Wuxuuna Mohamed Farah oo tabobarihiisa ka hadlayaa yidhi, “Sidii aan horeba u cadeeyay, waxaan Portland u tagay si aan ula hadlo Alberto Salazar waxaanan ka dalbaday jawaabo.Waxa uu ii xaqiijiyay in eedaymuhu ay been yihiin iyo inuu cadaymo ii keeni doono si ay wax u cadaadaan”.

Intaa kadib ayuu Mohamed Farah u mahad celiyay taageerayaashiisa, qoyskiisa, asxaabtiisa iyo weliba ciyaartoyga kale wuxuuna yidhi: “Waxaan doonayaa in aan fursadan uga faa’iidaysto in aan u mahad ciliyo taageerayaashayda, qoyskayga, asxaabtayda iyo ciyaartoyga aanu isku kooxda nahay oo aan dhamaantood uga mahad celinayo taageeradii weynayd ee ay isiiyeen maalmihii ugu danbaysay, waxaanan rajaynayaa in hadda la ii ogolaan doono in aan tabobarkayga wato iyo in aan biladu wadankayga ugu soo guulaysto”.

Somalilandpost.net

Xigasho: Laacib.net