“Anigu fikir ahaan waxaan qabaa in gacanta dawlada loo daayo haamaha shidaalka oo aan shacab lagu wareejin..” Boqor Buurmadaw

 

Hargeysa(SLpost)-Boqor Cismaan Buurmadaw ayaa sheegay in wakhtigan ay ku haboontahay in aan gacanta shacabka lagu wareejin haamaha shidaalka ee dawlada.

Buurmadow

Boqor  Buurmadaw waxa uu xukuumadda u soo jeediyay hadii ay damacdo wareejinta haamaha shidaalka in si sharci dadka loogu soo wada bandhigo oo aan dad gaar ah layskaga wareejin waxaanuu sidan ku sheegay mar dhawayd isaga oo warbaahinta la hadlaayay “Anigu fikir ahaan waxaan qabaa in ganacta dawlada loo daayo haamaha shidaalka oo aan shacab lagu wareejin, in lagu boolatiigo iyo in lagu caadifadeeyo maaha in laysqanciyo oo laga wada hadlo weeye, waxaase fiican in gacanta dawlada loo daayo oo hadii ay wareejinaysana si laga fiirsaday ay u wareejiso, sida hadalku u soo baxayna waxa lagu wareejinayaa dad kooban oo looma dhama, arinkaasana waxaan leeyahay hadii la wareejinaayona waa in sifo sharci ah loo maro, waxaana aad u fiican inay dawladu gacanta sidii ay ugu haysay ay ugu sii hayso.”

Somalilandpost

Hargeysa Somaliland