“Aniga, Turkiga Iskuma Wanaagsanin, Marnaba Isku Si Ulama Dhaqmo Dhexna Uma Aha Somaliland Iyo Somalia” Warancade

Hargeysa (SL.Post) Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, ayaa dawladda Turkiga ku tilmaamay mid aan marna dhexdhexaad ka ahayn wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in xukuumadu ka fiirsan doonto wada hadaladii uu dhexdhexaadiyaha ka ahaa.

waran-cade

Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Warancadde oo Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay safarka Madaxweyne iyo dad danyar ah oo uu u qaybiyey raashin, waxaana wareysigu u dhacay sidan

Xukuumaddihii kala duwanaa ee dalka soo maray xilal kala duwan ayaad ka soo qabatay, markaas sidee ayaad u aragtaa inaad Xukuumad kasta ka mid noqoto xilna aad ka qabato

Walaahi waa wax jira in aan Xukuumad kasta aan ka mid noqdo, Xukuumadduhu iyo Maamulku wey is bedelaan balse dalku isma bedelo, Shacabkan, Dadkan, Dalkan iyo Qarankanba wuu jirayaa, xilalka aan ka soo qabtay dalkana, wanaag mooye wax xumaan ah oo igaga  yimid ma jiraan, waana uga mahadnaqayaa runtii Madaxdii Qaranka soo maray, ee xilalkaas I magacaabay,ee ay igu qiimeeyeen, ALLENA wuu igu guulayey,  Madaxweynayaashii dalkana waan u mahadnaqayaa.

Xilal kala duwan oo Wasiirnimo waad soo qabatay, La Taliye Madaxweyne waad noqotay, haddana safiir ayaad tahay markaas waa sidee dareenkaaga ku waajahan xilalkan kala duwan ee aad qabatay?

Qofka xilka marka loo dhiibayo xilka uu doono ha ahaate waxa loogu dhiiba inuu hagaajiyo, waxaana wanaagsan in aad mar walba xilka aad qabanayso daacad ka tahay, marka anigu xilkasta oo aan qabato waxaan ku dadaala in aan sida ugu wanaagsan uga soo baxo,dadka reer Somaliland wey og yihiin sida aan xilalka aan soo qabatay uga soo baxay ILLAAHAYNA wuu igu asturay.

Wargeyska Geeska Afrika hore wuxuu u qoray in Diyaarado ay duqeeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Oodweyne, Wasiiro ka tirsan Xukuumadduna way xaqiiyeen, markaas sidee ayey kula muuqata duqeeynta Diyaaradahani, maadaama ood muddo ahayd wasiirka amniga?

Waa gef in la inagu soo xad gudbo, ma ogolin, raalina kama nihin cidnabana ka yeeli mayno xad gudub Diyaaradahana, duqeeyntani waxay noqon kartaa tijaabo, inkasta oo aanay cidi waxba ku noqon haddana marnaba raali kama nihin in Baddeena, Dhulkeena iyo Hawadeena lagu soo xad gudbo, waxaana Xukuumaddeena Somaliland ugu hambalyeynayaa sida ay uga hadashay.

Safiirka Turkiga ee Somaliya wuxuu si cad u sheegay in wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee uu dhexda ka ahaa inay ku doonayaan midnimo. Bal ka waran arrintaas?

Anigu Turkiga iskuma wanaagsanin waxaana run ah in Wadanka Turkigu toos u arko in Somaliland yahay wadan madax banaan oo wax badan qabsaday, oo dawladnimo iyo hanaan dimuqraadiyadeed ka hirgaleen, waanu arkaa heerka ay Somaliya marayso, marnaba isku si ulama dhaqmo dhexna uma aha Somaliland iyo Somaliya, Xukuumadduna way ka fiirsan doontaa.

Sidee ayaad u aragtaa Socdaalka Madaxweynaha ee Gobolada Barri

Socdaalka Madaxweynaha Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ee Goboladu waa socdaal uu ku ogaanayo abaartu heerka ay marayso iyo xaalada ay dadku ku jiraan, waxaana Madaxweynaha uga mahadnaqayaa iyadoo lagu jiro wakhti aad u adag inuu haddana dadkiisa la qaybsanayo ama la dareemayo dhibta.

Ma ka war qabtaa ama ma dareesan tahay in marka lagu arko ama lagu maqlo waxa ugu horeeya ee la isweydiiyaa tahay libaaxdyada aad rabaysato?

Haa waan ogahay, dad badan  baa marka ay I arkaan i weydiiya Libaaxyada

Maxa kugu kalifay in aad rabayso ama aad xanaanayso Libaaxyo, iyadoo la og yahay inay aad u khatar badan yihiin?

Libaaxu waa bahal saaxibtinimo wanaagsan, oo qiimo badan leh, Wadankeenana Libaaxyo badan baa joogi jiray, oo meelo badan baa magaca Libaax loogu magac daray, balse hadda Libaaxu dalka wuu ka  dabar go’ay,  waxaana Libaaxa ku haboonaa in lagu xanaaneeyo oo lagu ilaaliyo deegaano badan oo Somaliland ka mid ah sida Daalo iyo Gacan Libaax, aniguna ilaa hadda waxaan hayaa Todoba Libaax, si fiicana waan u xanaaneeya.

Dhinaca kale Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ka waramay deegaano ka tirsan Degmada Sabawanaag, oo uu gaadhsiiyey deeq raashin ah oo uu ugu talagalay dadka dhibaataysan ee ay abaaruhu hayaan, waxaanu tilmaamay in deeqadan raashinka ay soo bixiyeen muwadiniin reer Somaliland ah oo degan dalka Imaraadka, waxaanu sheegay in dadkani ay aad ugu farxeen deeqdan oo ka koobnayd qaybaha kala duwan ee raashinka ah, waxaanu Xukuumadda, Ganacstada iyo Beesha Caalamka ugu baaqay inay dadkan ay abaaruhu hayaan u soo gurmadaan, waxaanu ILLAAHAY ka baryey inuu raxmadiisa inoo shubo.

Somalilandpopst.net