“Aniga oo Hurda Gurigayga London, ayaa laygu bushaareeyey (magacaabista), immikana aniga oo Shantii Galabnimo Hurda Gurigayga, ayaa laygu bushaareeyey Erigayga”

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Tiknoolajiyadda iyo Cilmi-baadhista Somaliland Aadan Axmed Warsame oo maanta xilka wasaaraddaa ku wareejiyey wasiirka Cusub ee madaxweynuhu u magacaabay beddelkiisa Cali Xaamud Jibriil, ayaa ka sheekeeyey wax uu ku tilmaamay mucjiso Xagga Alle ka socotay oo gedaamnaa magacaabistii iyo Erigiisa.

Wasiirkii hore Aadan Axmed Warsame oo hadal ka jeediyey munaasibad uu xilka ku wareejiyey oo maanta lagu qabtay xarunta hay’adda Shaqaalaha Dawladda, waxa uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo xilka wasaaraddaas u magacaabay isaga oo iska hurda Aqal uu ka deggen yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska bishii June ee 2010-kii. Waxa kale oo uu sheegay in xil-ka-qaadistiisa loogu bushaareeyey isaga iska Hurda Aqalka uu ka deggen yahay magaalada Hargeysa wakhti ku siman Shantii Galabnimo ee todobaadkan.