“Aniga, Kijaandhe Iyo M.Biixi waxa aannu ka midaysanahay in Kulmiye dhexdiisa ay ka dhacdo dimoqraadiyad dhab ahi” Samaale

Hargeysa(SLpost)-Murashax Cabdicasiis Samaale ayaa beeniyay war uu qoray wargeyska Somalilandtoday cadadkiisii 668 ee shalay, kaasoo ku saabsanaa sababtii uu Samaale uga qayb qaadan waayay soo dhawayntii Maxamed Biixi oo hore laysugu tirinayay, isla markaana wuxuu Samaale u sheegay wargeyska Ogaal oo wax ka waydiiyay arrintaa, in aanuu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeyay Isaga iyo Maxamed Biixi.

Samaale oo ka jawaabayay su,aasha arrintaa laga waydiiyayna wuxuu yidhi; “ Waxba kama jiraan warkaa Somalilandtoday qortay, waana been. Aniga iyo Maxamed Biixi waxaanu nahay laba nin oo walaalo ah, saaxiib ah, murashixiin ah isku aragti ka ah in Kulmiye dhexdiisa ay ka dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah. taasaanu ka midaysanahay Aniga, Maxamed Biixi iyo Kijaandhe, oo aanu Muuse Biixi kaga duwanahay. Anigu murashax baan ahay, Maxamed Biixi waa murashax, Kijaandhe waa murashax, Muuse Biixi waa murashax, laakiin Muuse mooyee sadexyadda kale waxa noo dheer oo aanu isku mid ka nahay oo aanu u soo halganay in aan cid loo xidhin ee lagu tartamo xisbiga dhexdiisa, taana waa ku guulaysanay. Codka lagu kala baxayaana beelaha uma yaalo oo dadku ma codaynayaan ee cidda na kala saaraysaa waa xubnaha golaha dhexe.

Wuxuu intaa sii raaciyay oo uu yidhi; “Tan soo dhawayntii Maxamed Biixina taageerayaashaydii tegay waxay ku tageen talo, waanu ka shiray tallo ayay ku tageen, magac dawladeedna waa lagu soo dhawaynayay, aniguna dawladda kama mid ihi, hawlna waan ku mashquulsanaa haddana kamaan maqnayn oo taageerayaashaydaa ka qayb galay oo aanu talo ugu diray. Intii uu hadda joogayna walaalkay Maxamed Biixi laba jeer baanu is aragnay, khilaaf dhexdayada yaallaana ma jiro.”

Mar aanu wax ka sii waydiinay in sadexdooda laysku xanto oo la leeyahay way isku shubanayaan aakhirka wuxuu ku jawaabay;  “Walaal,  Aniguna murashax baan ahay, Maxamedna waa murashax, Kijaandhena waa murashax, tan isu tanaasulkana Aniga, Maxamed Biixi iyo Kijaandhe midkaayana mid kale kalama hadlin, ee mid kastaaba hawlihiisuu wataa, laakiin waxaanu isku aragti ka nahay, in Kulmiye dhexdiisa ay ka dhacdo dimoqraadiyad dhab ahi, doorasho xor ah oo xalaal ahi.”

 

Somalilandpost.net, Office